Guud ahaan Somaliland tan iyo maalintii lagu dhawaaqay lasoo noqoshada qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland maalinba Somaliland waxay qaadaysay tallaabo qaran oo dalka iyo dad kaba guul u ah
Somaliland hoosta ayay ka bilawday dib u dhiska qaranka taabbo galay oo nusqari ku.dhawaadka ku naaloonaya nabad dinuquraadiyad iyo dawladnimo afrika ka tilmaaman.
1994 kii ayaa markii ugu horraysay la bilaabay dhismaha iyo aasaaska ciidanka qaranka,taas oo noqotay aasaaska iyo yagleelida hannaanka dawladnimo oo dhamaystirma.
Maanta oo Somaliland ay tahay qaran leh dhammaan laamihiisa dawladnimo ciidamada madaniga ah ee gobolada bari ee dalka ka samaysmay oo ay xaalad gaar ahi ay samaysay in qaranku u istaago In ay ciidan qaran noqdaan oo la qarameeyo waa tallaabo guul u ah qaranka Somaliland oo dhanka guusha loo qaaday in dalka aanay ka jirin ciidamo aan ahayn ciidamada dawladda Somaliland na waxay summad wanaagsan iyo marag cad u tahay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaa kale oo ay caddaynaysa in Somaliland tahay qaran isku tashada oo aan faro gelin dibadeed ku jirin dawladdiisa iyo dadkiisuna ay yihiin mid isku duuban oo isku talo ah.
Waxaa kale oo ay meesha ka saaraysaa in aanay dalka ka jirin ciidan aan qaranku lahayn oo meel.degen ama hubaysan oo Somaliland dhex jooga.
Waxaa kale oo ay dhallinyarada ciidanka madaniga ah tusaysaa in ay leeyihiin qaran jecel oo aan dayacayn oo u heelan qaramayntooda iyo in dalkooda ay xaaladu keentay in ay difaacaan in ay ciidan qaran u noqdaan.