Buurta Awooweyaasha New Zealand oo qof ahaan loo aqoonsaday

0
18

Buur ku taal New Zealand oo ay dadka asaliga ahi u haystaan ​​awoowe ayaa loo aqoonsaday inay tahay qof ka dib markii sharci cusub oo soo baxay uu siiyay dhammaan xuquuqaha iyo waajibaadka bini’aadamka.

Buurtan ooh ore loo odhan jiray Mount Taranaki – oo hadda loo yaqaan Taranaki Maunga, oo ah magaca dadka Asaliga ah ee Maori ay u yaqaaneen waa shaygii dabiici ahaa ee la siiyo  xuquuqda qofnimada New Zealand,. Buurtan nadiifta ee barafku ku daboolan yahay waa tan labaad ee ugu dheer Jasiiradda Waqooyi ee New Zealand oo dhererkeedu yahay 2,518 mitir waana meel caan u ah oo dalxiiska, socodka iyo ciyaaraha barafka.

Aqoonsigan la aqoonsaday wuxuu qirayaa in buurta Māori ee gobolka Taranaki la xaday ka dib markii New Zealand gumaysigu yimi. Heshiisku wuxuu fulinayaa dadka asaliga ah ee dhibaatadu ka soo gaadhay dhulkaas wixii ka dambeeyay.

Sidee buu buuri qof u noqon kartaa?

Sharciga la ansixiyay bishii hore wuxuu siinayaa Taranaki Maunga dhammaan xuquuqaha, awoodaha, waajibaadka, sharciga ah iyo masuuliyadaha qofeed. Shakhsinimadeeda sharciga ah waxay leedahay magac: Te Kahui Tupua, kaas oo sharcigu u arko “mid nool oo aan la qaybsan karin.” Waxaa ka mid ah meelaha ugu sarreeya iyo dhulka ku hareeraysan, “isku darka dhammaan walxaha Taranaki.”

Hay’ad cusub oo la abuuray waxay noqon doontaa “wejiga iyo codka” sharciga ah ee buurta, waxay ka kooban yihiin, afar xubnood oo ka socda Maori iwi, ama qabiilkooda, iyo afar xubnood oo uu magacaabayo wasiirka ilaalinta ee dalka.

Waa maxay sababta buurtani gaar u tahay?

“Buurtu waxay muddo dheer ahayd awoowe la sharfay, il laga helo quud jidheed, dhaqan iyo mid ruuxeed iyo meel lagu nasto,” Paul Goldsmith, oo ahaa xildhibaanka mas’uulka ka ah dejinta heshiiska u dhexeeya dawladda iyo qabaa’ilka Maori, ayaa u sheegay baarlamaanka khudbad bishii hore.

Laakiin gumaystayaashii New Zealand qarniyadii 18-aad iyo 19-aad ayaa markii hore u bixiyey magaca Taranaki ka dibna qaataay buurta lafteeda. Sannadkii 1770-kii, sahamiye Ingiriis ah Captain James Cook oo badda maraya ayaa arkay meesha ugu sarreysa ee buurta wuxuuna u magacaabay Mount Egmont.

Sannadkii 1840-kii, qabaa’ilka Maori iyo wakiillada taajkii Ingiriiska waxay saxeexeen Heshiiskii Waitangi – dukumeenti asaaskii New Zealand – kaas oo Boqortooyadu u ballan qaaday Maori inay sii haysan doonto xuquuqda dhulkooda iyo kheyraadkooda. Laakiin Maori iyo Ingiriisku heshiisku way kala duwanaayeen – isla markiiba waxa bilaantay jebintii sharcigaa.

Sannadkii 1865-kii, dhul baaxad leh oo ay ku jirto buurta, ayaa lala wareegay si loogu ciqaabo Maori inuu ka soo horjeestay Boqortooyada. Qarnigii xigay kooxaha ugaadhsiga iyo ciyaaraha ayaa wax ka lahaa maamulka buurta – laakiin Maori waxba lama weydiin jirin.

Dhaqdhaqaaqii mudaaharaad ee Maori ee 1970-meeyadii iyo 80-meeyadii ayaa horseeday in sare loo qaado aqoonsiga luqadda Maori, dhaqanka iyo xuquuqda sharciga New Zealand.

Qaybaha kale ee New Zealand ma leeyihiin shakhsiyad?

New Zealand waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee adduunka u aqoonsada waxyaabaha dabiiciga ah dad ahaan, ka dib markii sharci la ansixiyay 2014 qofnimo lagu siiyay Te Urewera, oo ah kayn ballaadhan oo ku taal Jasiiradda Waqooyi. Lahaanshaha dawladu way joogsatay oo qabiilkii Tuhoe ayaa masuul ka noqday.

Sidaas oo kale sannadkii 2017, New Zealand waxay u aqoonsatay Webiga Whanganui inuu yahay bini’aadam, taas oo qayb ka ah dadka maxalliga ah.

Hindise sharciyeedkii lagu aqoonsaday qofnimada buurta ayaa waxaa si wadajir ah u ansixiyay 123 xildhibaan oo Baarlamaanka ah. Codbixinta waxaa lagu soo dhaweeyay wacaya waiata, oo ah heesta Maori – oo ka socota goobta dadweynaha, oo ay ka buuxaan kumaankun qof oo u safray caasimadda, Wellington, oo ka yimid gobolka Taranaki.

Sharcigani wuxuu keenay nasasho kooban iyo xidhiidhka jinsiyadeed ee New Zealand. Bishii Nofembar, tobanaan kun oo qof ayaa u baxay baarlamaanka si ay uga mudaaharaadaan sharci dib u qaabayn doona Heshiiskii Waitangi iyaga oo dejinaya qeexitaan sharci oo adag qodob kasta. Diidayaashu waxay yiraahdeen sharciga – oo aan la fileyn inuu ansixiyo – wuxuu ka qaadi doonaa Maori xuquuqaha sharciga wuxuuna si weyn u beddeli doonaa horumarkii laga gaaray kontonkii sano ee la soo dhaafay.