Hargeysa (Dawan)- Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa billowday gargaar cunto bisha Ramadaan ee sannadlaha ah ee la siinayo maxaabiista. Caawimadan ayaa ka bilaabmatay Jeelasha maxaabiista ee labada Hargeysa iyo Laascaanood.
Qeybinta raashinka Ramadaanta oo Afarta toddobaad ee soo socoda soconaya, ayaa maxbuus kasta helayaa cuntooyin kala duwan, halka madbakhyada xarumaha jeelasha lagu hayo la siin doono cunto iyo Adhi loo qalo.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa bilowga Barnaamijkan ay bisha Ramadaan ku caawiso maxaabiista, gaar ahaan meelaha ay ka midka yihiin Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa ujeedadoodu tahay si loo hubiyo in shakhsiyaadka xorriyadda laga qaaday ay si karaamo iyo dadnimo ku dheehan tahay u soo gutaan bisha barakaysan ee Ramadaan. Hindisahani waxa uu la jaan qaadayaa hadafka ballaadhan ee ICRC-da ee ah in ay dhawraan bini’aadminimada iyo ixtiraamka xuquuqda maxaabiista adduunka oo dhan, iyada oo aan loo eegin sababaha xadhigooda.
Sababaha aasaasiga ah ee barnaamijkan waxaa ka mid ah:
- Ixtiraamka Muhiimadda Dhaqanka iyo Diinta: Ramadaanku waa wakhti muqadas ah oo Muslimiinta, oo ay ku astaysan Soonka, Ducada. ICRCdu waxay aqoonsan tahay muhiimada ay u leedahay maxaabiista, qoysaskooda, iyo bulshooyinka, iyada oo hubinayso in aan laga saarin ka qaybgalka dhaqankan. Qeybinta cuntada sida timirta, hilibka adhiga, bariiska, digirta, caanaha, iyo shaaha—waxyaabaha inta badan loo isticmaalo in lagu afuriyo (afurka)— ICRC waxay u suurtagelinaysaa maxaabiista inay ilaashadaan dhaqamadooda diineed.
- Waajibaadka ugu muhiimsan ee ICRCda waxaa ka mid ah la socodka iyo hagaajinta xaaladaha nololeed ee maxaabiista. Gobollada ay wajahayaan caqabado ay ka mid yihiin abaaro ama colaado, ayaa maxaabiistu waxay inta badan la kulmaan duruufo adag, oo ay ku jiraan nafaqo-xumo. Kaalmada cuntada ee Ramadaanka waxa ay kabtaa cuntadooda, iyada oo ka saarta dhibka iyo in ay taageerto fayoobidooda jidheed inta lagu jiro bisha soonka.
- Astaanta Midnimada: Barnaamijku waxa uu u adeegaa naxariis, isaga oo xasuusinaya maxaabiista in aan la ilaawin muddadan muhiimka ah. Waxay kobcisaa dareenka bulshada iyo rajada, taas oo si gaar ah muhiim u ah goobaha lagu hayo maxaabiista.
Hindisahan oo soo noqnoqda sannad walba, ayaa ka tarjumaya ballan-qaadkii ICRC-da ee muddada-dheer-ilaa qarnigii 19-aad-si ay u taageerto maxaabiista, gaar ahaan xilliyada muhimadda dhaqanka ama diinta, iwm.