Qore Khadar M. Dhako
Hargeysa( Dawan) Isku duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobalka Hawd Axmed Cali Xasan Dirays ayaa ka hadlay xaalada guud ee ay ku sugan yihiin xarumaha Caafimaadka Gobalka.
Axmed Cali Xasan Dirays oo u Waramayay Wargeysa Dawan ayaa waxa uu sheegay in uu kormeer ku soo maray MCH Gobalka Hawd.isla, markaana ay wanaagsan tahay xaalada ay ku sugan yihiin.
Axmed Cali Dirays oo ka warbixinayay xaalada Caafimaadka Gobalka Hawd.Waxa uu yidhi”Xaalada guud ee Caafimaadka gobalka hawd way wanaagsan tahay xarumaha Caafimaadka aad iyo aad ayay u wanaagsan yihiin.xarumaha Caafimaadka ee gobalka hawd waxa ka dhiman waa waxa dhiman xarumaha Caafimaadka dalka.qaar ay wax ka dhiman yihiin waa jiraan sida MCH Gumburaha oo kale oo wax ka dhiman yihiin,waxaana ka dhiman qalabkii iyo MCH Gumar oo cusub baabuurta gurmadka Ambalaska oo ku yar gobalka mooyee inta kale oo dhami waa dhamaystiran yihiin,”.
Axmed Dirays oo hadal kiisa sii Wata.Waxa uu yidhi”Waana aanu wadnaa hawshoodii togba taagtii ayuu rogmadaa.Roma maalin lama dhisin,meel aad iyo aad u wanaagsan ayuu marayaa Caafimaadka Gobalka maalin uu ka wanaagsan yahay majirto,Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka waxa ka go,an in wax laag qabto meelha u baahan in kor loo qaado baahiyaha Caafimaadka,”.