Safiirka Somaliland ee Dalka Ingiriiska oo ka hadlay Xidhiidhka Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska

0
17

Qore Boqore Axmed Cabdi.

Hargeysa (Dawan) Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka dalka boqortooyada Ingriiska Danjire Cabdi Cabdillaahi Xirsi, ayaa sheegay in xidhiidh qoto-dheer oo dhinacyo badan ahi ka dhaxeeyo Somaliland iyo dowladda Ingiriiska.

Sidoo kale waxa uu xusay in saaxiibada Somaliland ay sameysatay ay ka mid yihiin ilaa 60 xildhibaan oo dowladda Ingiriiska ah, waxaanu ku booriyay inay Somaliland kala shaqeeyaan sidii aqoonsi buuxda adduunka uga heli lahayd iyo dowladda Boqortooyada Ingiriiskaba.

Dhanka kale waxa uu xusay in ay xidhiidho kala duwan sameeyaan mudadii uu xilka hayay, waxaanu sidan ku sheegay wareysi uu siiyay telefishanka Qaranka Somaliland.

Waxaanu yidhi.“Dalkan Ingiriiska xidhiidhka aynu la leenahay waa xidhiidh soo jireen ah oo ilaa 34 sano ka badan soday, waa dalkii xoriyada ina siiyay muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay dalkeena iyaguna ay indhaha ku hayaan inaguna aynu kula shaqaynayno.

Xildhibaano ka badan 60 ayaa saaxiibada Somaliland ah, ilaa hadda dawladan cusub ee Ingiriiska ka dhalatay waxay ku jiraan.

Toddobaadkasta waxa aanu la kulana xildhibaano cusub, kuwaas oo ay nagu soo xidheen Jaaliyadda Somaliland ee dalkan degan, waa meesha deeqadaha ugu badan ina siiya, xoriyadana ina siiyay.

Hadda waxa aanu wadna inay mooshino cusub baarlamaanka dhexdiisa keenaan, hawlo waa weyn ayaa noo socda, xidhiidho ayaa noo socda, shirar ayaa noo socda,”

Waxa uu sheegay in deeqihi dowladda Boqortooyada Ingiriisku  Somaliland, ay siin jirtay ay ka daba tagayaan, isla markaana ay kor u qadayaan, si aanay marna hoos ugu dhicin.

Waxaanu yidhi.“Deeqihi waxbarasho ee aynu ka heli jirnay dowladda Ingiriiska hadda waxa aanu ku dadaaleyna in aanu sii laba jibaarno oo aanay marnaba hoos ugu dhicin,”

Geesta kale Safiirka JSL u jooga dalka Boqortooyada Ingriiska Danjire Cabdi Cabdillaahi Xirsi, waxa uu bulshada Qurba-joogta ah ee JSL, ku booriyay in ay soo kaalmeeyaan bulshadooda, maadama oo bishi Barakeysneyd ee Ramadaan la galayo.

Waxaanu yidhi.“Waa bil Ramadaan waxaan Qurba-joogta reer Somaliland meel ay joogaanba aan ka codsanaya inay sadaqada aad u badsadaan, waa wakhti kulul oo jilaal ah ee in dadkii loo naxariisto, wixii qofkastana u diri karana uu diro”