Ceerigaabo (Dawan)- Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan ayaa gaadhay fadhiisimaha Jiidaha hore ee Ciidanka Qaranka ee Gobolka Sanaag.
Wafti uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuriyada Somaliland S/Guuto Nimcaan Yusuf Cismaan oo ay wehelinaayaan Taliyeyaasha Qaybaha iyo hoggaano katirsan Taliska guud ee ciidanka Qaranka JSL ayaa gaadhay jiida hore ee ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag.
Ujeedada safarka ayaa ahaa kormeerka fadhiisamada ciidanka Qaranka ee ku sugan sanaag oo ka mid ah kormeeradii loogu kuur gali jiray xaalada Ciidanka Qaranka JSL.
Taliye Nimcaan iyo wefdiga uu hogaaminayo oo maalmaha soo socda ku sugnaan doona gobolada barriga Somaliland ayaa la saadaalinayaa inuu gaadhi doona dhamaan Jiidaha Ciidamada Qaranka ee Gobolada Barriga Somaliland.