๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง: ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐๐ก๐ž๐ฑ๐ค๐š๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐..W.Q. Ibraahim Baqardhe

0
25

Maamulka Puntland waxay sheegeen in ay dagaal kula jiraan Daacishta Buuraha Puntland ku jirta. Ma xuma, balse dagaalkoodii way foolxumeeyeen, waxa ay bilaabeen in Calanka Somaliland soo sawiraan oo ay dhahaan Daacish ayaa buuraha ku haysata. Xitaa heer waxay gaadheen in lacagta Somaliland jeebadaha ku gurtaan, ka dibna buuraha bariga fog la tagaan oo ay yidhaahdaan, “Daacish baa wadatay.” Waxay soo sawireen 50 iyo 100 Shillin oo lacagta Somaliland ah iyaga oo sheegay in laga helay dhulka Daacish xukunto. Balse malaa ma oga ee lacagta Somaliland ugu yar waa 500 oo Shillin, lacagta 50-ka iyo 100-ka Shillin waxa ay suuqa Somaliland ka baxday 15 sano ka hor. Qiimaha 100-ka Shillinka Somaliland maanta waxa uu marayaa 0.0001 dollar.

Dacaayadahan raqiiska ah ayey baraha bulshada soo geliyeen, iyaga oo leh Somaliland ayaa Daacish xidhiidh la leh. Keliya maaha dacaayado ay dhalinyaro wado, balse rag ka mid ah hormuudka Puntland oo ay ka mid yihiin Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwelli Cali Gaas, Wasiirkii Qorshaynta Puntland Maxamed Faroole iyo Maxamed Wahaab Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa iyaguna mediayaha ka yidhi Somaliland xidhiidh ayey la leedahay kooxahan argagixisada ah.

Taa waxa ka sii daran dagaalka ay dheheen Daacish baan kula jirnaa waxa hoggaaminaya rag uu ka mid yahay Kaptan Ayuub oo YouTuber ah iyo Ciise Maxamuud Yuusuf Yulux oo Maraykanku ku daray liiska argagixisada Daacish. Ciise Yulux waxaa lagu xusay bishii NOV, 2022 warbixin uu Mareykanku soo saaray, laguna eedaynayo In uu ka mid yahay ganacsato reer Bosaso ah oo si dhow ula shaqaysa Daacish, una qaabilsan yahay soo dejinta hubka lyo soo gudbinta shakhsiyaadka ka soo safra Bariga Dhexe ee ku biiraya daacish.

Dagaalka dhinaca Daacisha dhammaan ragga hoggaaminayaa kuma jiro qof reer Somaliland ah. Daacishta ku jirta buuraleyda Calmiskaad-Puntland waxa hoggaamiya Cabdiqaadir Muumin oo ah (Cali Saleebaan). Dhammaan saraakiisha argagixisadan hoggaaminaysa waa rag deeggaan ahaan kasoo jeeda Puntland.

Sida warbixinada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka lagu sheegay Daacish waxa la shaqeeya Siyaasiyiin, Salaadiin iyo Ganacsato reer Puntland ah. Hubka iyo saanada ay Daacish ku dagaal gasho waxa si caadi ah oo daahfuran looga soo dejiyaa dekedda Boosaaso. Dhawaan ayay ahayd markii uu Mareykanku magacaabay ganacsatadaas qayb ka mid ah.

๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐ซ๐ž๐ž๐ซ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐œ๐ข๐ฌ๐ก:

Ganacsatada ay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ee Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ay soo saartay ragga ku xusan ee Daacish lacagaha iyo hubka usoo dejiya waxa ka mid ah:

1: Liibaan Yuusuf Maxamed oo ahaa madaxa sare ee Amniyaadka iyo fududeeyaha afduubka ee al-Shabaab. Waana ninka leh Shirkada loo yaqaan โ€œLiibaan General Trading Coโ€ oo xaruumo ganacsi ku leh magaalooyinka sida Garowe.

2: Cabdiraxmaan Maxamed Cumar waa xubin ka tirsan Daacish-iyo Shabakadda Qandala-Xaafuun. Laga soo bilaabo 2020, Cumar waxaa lagu tiriyaa inuu yahay kan ugu firfircoon hubka sharci darrada ah ee Puntland, wuxuuna fuliyay in ka badan 2 milyan oo doolar wax kala iibsi muddo afar sano ah.

3: Axmed Xaaji Cali Xaaji Cumar waxa uu ahaa taliyaha Daacish-Soomaaliya u qaabilsanaa hubka sida sharci darrada ah looga soo geliyo Bari, Puntland. Cumar waa iibiye hubka oo muhiim u ah Daacish, qaybna ka ah qaab-dhismeedka hoggaanka Daacish Soomaaliya.

4: Cabdiwelli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee ururka Daacish, kaasoo ay cunaqabatayn saartay waaxda maaliyadda ee Maraykanka u qaabilsan ilaalinta hantida dibadda (OFAC) ayaa horay wasiir uga soo noqday Puntland xilligii uu xilka hayay Cabdiwelli Gaas, wuxuu ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga.

Guddiga Qaramada Midoobay ee Kormeerka Cunaqabataynta (SEMG) wuxuu sheegay in Abshir Maxamed Barre uu fududeeyay dhowr shixnad oo hub ah oo laga keenay Yemen bishii Oktoobar iyo Noofembar 2016, isagoo ku shaqeynaya magaca maamulka Puntland, kanaashanaya Axmed Yaasin Saalax, oo horey u ahaa Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Puntland. Mid kamid ah shixnadahaas waxay soo degtay 25 Oktoobar, xilligaas oo Barre uu la kulmay masโ€™uuliyiin sare oo Puntland ah magaalada Boosaaso si uu u abaabulo keenista hubka iyo bixinta lacagta.

Habeenkii 29 Noofembar 2016, xilli xubno ka tirsan Guddiga Qaramada Midoobay ee Kormeerka Cunaqabataynta (SEMG) ay ku sugnaayeen Boosaaso, Barre waxaa lagu qabtay Marero, oo ah goob si qarsoodi ah loogu dhoofiyo hubka, una jirta 15km bariga Boosaaso, xilli uu siday shixnad hubka qoryaha PKM ah. Balse maamulka Puntland wuxuu si degdeg ah u sii daayay Barre, maadaama la ogaaday in shixnadda hubka loo waday dowladda Puntland. Markii SEMG ay codsatay in ay baarto hubka la qabtay, booliiska dekedda Boosaaso way diideen iyagoo ku sababeeyay in baaritaanka uu weli socdo. Intii u dhaxaysay dhammaadkii Oktoobar ilaa bartamihii Noofembar 2016, Barre wuxuu sameeyay 179 wicitaan oo uu la yeeshay ganacsade hub ka keena Yemen, kaasoo sidoo kale xiriir la lahaa ganacsadaha hubka Puntland, Cabdi Maxamed Cumar โ€œDhofayeโ€. Sida warbixinta Qaramada Midoobay lagu sheegay Barre wuxuu xidhiidh dhow la leeyahay shirkadda Bahaya Spare Parts, taasoo ah shirkad weyn oo keenta qalabka baabuurta, lehna saddex xarumood oo ku yaal Boosaaso iyo laamo kale oo ku kala yaal Garoowe iyo Gaalkacyo. Bahaya waxaa iska leh aabihiis iyo walaalkiis, Axmed Maxamed Barre iyo Maxamuud Maxamed Barre.

Diiwaanka xidhiidhada taleefanka ee Barre laga bilaabo Diseembar 2016 ilaa Juun 2017 wuxuu muujinayaa inuu xidhiidh la lahaa shabakadaha ka ganacsada hubka, gaar ahaan Axmed Yaasin Saalax, oo hore u ahaan jiray Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Puntland. Sidoo kale, wuxuu xidhiidh la lahaa ganacsato kale oo caan ku ah tahriibinta hubka, sida Buruj Maxamed Cali Faarax, Siciid Yuusuf Timowayne Maxamed (Siciid Atto), iyo Maxamed Bayre (Daarood/Harti/Dishiishe).

Beesha caalamku si fiican ayay uga warqabtaa shabakadahaas, sida lagu xusay warbixinta Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda ee Maraykanka (OFAC) iyo kuwa Qaramada Midoobayba. Dhammaan warbixinahani hal meel kagama ay xusin Somaliland iyo xidhiidh ka dhexeeya kooxaha argagixisada ah.

๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐œ๐ข๐ฌ๐ก:

Sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay Maamulka Puntland gaar ahaa xiligii Puntland ayaa lahaa siyaasad la dhaho โ€œCatch and Releaseโ€ iyada oo inta la qabto rag ka tirsan Ururka Daacish la sii daynayey. Tusaale, ragga la qabtay waxa ka mid ahaa Cabdullaahi Cabdi Xaaji oo loo yaqaan Mursal Madoobe, oo Al-Shabaab ka tirsanaa tan iyo 2006. Sida lagu faahfaahiyay warbixintii kooxda Monitoring Group ee 2016, maamulka Puntland ayaa xidhay Cabdullaahi bishii Agoosto 2015, laakiin markii dambe waa la sii daayay, taasoo qayb ka ahayd cafis guud oo uu madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali โ€œGaassโ€ u fidiyey xubnaha Al-Shabaab ahaa. Siideynta Cabdullaahi ayaa qayb ka ahayd siyaasadda maamulka Puntland ee ah in la qabto oo la sii daayo dadka kooxaha argagixisada ah. Madaxweyne Cabdiwelli Gaas ayaa Qaramada Midoobay ku eedaysay siyaasadda ah โ€œcatch and releaseโ€.

Waxaa xusid mudan in Cabdiweli Maxamed Yuusuf , oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee laanta Soomaaliya ee ururka ISIS, laguna soo rogay cunaqabataynta Xafiiska OFACโ€”uu horey u ahaa Wasiir kasoo jeeda Puntland xilligii xukuumaddii Cabdiwelli Gaas. Wuxu ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amniga Puntland. Sidoo kale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda Axmed Yaasiin Saalax, horana u ahaa Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland ayaa ka mid ah ragga xidhiidhka la leh kooxaha hubka u fududeeya in Daacish hubka ka hesho Yemen. Waxa sidan lagu sheegay warbixin ay soo saartay Kooxda Dabagalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eritrea (The UN Somalia and Eritrea Monitoring Group (SEMG)

๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐š:

Arrimaha la yaabka leh waxa ka mid ah, in xitaa oday dhaqameedyo dhaqanka beelaha Puntland ay ka mid yihiin Kooxda Daacish. Taariikhdu markii ahayd 10/20/2022 ayaa Waaxda Maaliyadda Mareykanka ee Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ay soo saartay liiska rag ku eedaysan in ay kooxaha xagjirka ah la shaqeeyaan kana tirsanyihiin, iskuna xidhaan kuwa Yemen jooga. Mid ka mid ah raggii xayiraada la saaray ayaa taariikhdu markii ay ahayd Bishii October, 2023 lagu caleemo saaray Deegaanka Farjano Degmada Burtinle ee Gobolka Mudug. Beel ka mid ah beelaha degga Puntland ayaa isimkooda guud ka dhigatay. Isimka la caleemo saaray waa Axmed Mataan Xasan, oo ay beesha Muuse Nooleys (Idigfacle) u caleemo saaratay Beeldaajiyahooda guud.

๐ƒ๐ž๐ค๐ž๐๐๐š ๐๐จ๐จ๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐จ: ๐ˆ๐ฌ๐ก๐š ๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐ž ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐š๐œ๐ข๐ฌ๐ก

Dekadda Boosaaso ee Puntland ayaa Mareykanka iyo Haayadaha Qaramada Midoobay ku tilmaameen inay tahay goob muhiim u ah Daacish, lagana soo dejiyo hubka laga keeno dalka Yemen, taasi oo sahlaysa hubaynta kooxaha sida Daacish. Goobta istaraatiijiga ah ee dekeddu ku taal ee ku teedsan gacanka cadmeed ayaa ka dhigaysa meel xudun u ah dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah ee badda. Warbixinaha ayaa sheegaya in maraakiib ka timid Yemen ay hub u soo daabulaan magaalada Boosaaso, iyadoo kadibna loo qeybiyo kooxaha ka howlgala Buuraha.

Dakhliga dhaqaale ee kooxda Daacish ayaa ka soo xarooda canshuuraha dekedda Boosaaso iyo canshuuraha ganacsatada gudaha ee Puntland. Sida ay sheegta @CrisisGroup, Daacish waxay dhaqaale ka ururisaa ganacsatada magaalada Boosaaso, waxayna sidoo kale dekedda ka dhoofiyaan dahabka laga soo saaro Buuraha gobolka Bari. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Daacish urursatay lacag cashuur ah oo dhan 6 milyan oo dollar tan iyo sanadkii 2022, iyadoo dhaqaalahan uu u badan yahay canshuuraha laga qaado ganacsatada dekedda Boosaaso iyo dahabka laga dhoofiyo gobolka Bari ee Puntland.

 

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐š๐œ๐ข๐ฌ๐ก

 

Hoggaanka kooxda argagixisada ah ee Daacish ayaa badi kasoo jeeda dagaalyahano ka soo jeeda Puntland gaar ahaan Beesha Cali Saleebaan.

1: Cabdiqaadir Muumin Yuusuf (Cali Saleebaan) Cabdiqaadir Muumin waa aasaasaha Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo dhan, waana Amiirka kooxda ee Bariga iyo Bartamaha Afrika. Muumin oo horey u degenaa dalka UK ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya sanadkii 2010-kii, waxaana uu markii hore ku biiray Al-Shabaab. Sannadkii 2015-kii ayuu ka goostay kooxda kale ee argagixisada ah ee AS, isagoo aasaasay Daacish.

2: Mahad Macalin Jajab (Cali Saleebaan): Kooxda dhexdeedana looga yaqaanno โ€œCaaw Geelleโ€, waxa uu soo noqday ku-xigeenka Amiirka iyo madaxa garabka warbaahinta ee Daacish. Sannadkii 2018-kii, waxa uu Maraykanku u aqoonsaday inuu yahay argagixiso caalami ah oo dagaalyahanno iyo hub soo geliyo Soomaaliya.

3: Cabdiraxmaan Faahiye Ciise (Dashiishe): Sidoo kale loo yaqaan โ€œAxmed Aadanโ€ iyo โ€œKhaalid,โ€ waxa uu ahaa taliye sare iyo ku-xigeenka Amiirka Daacish. Waxaa lagu tuhunsan yahay inuu yahay Amiirka hadda ee kooxda ka dib markii Cabdulqaadir Muumin loo dalacsiiyey Amiirka Bariga Iyo Bariga Afrika.

4: Abuu Yuusuf (Cali Saleebaan) waa hoggaamiyaha garabka dagaalyahanada ajnabiga ah Kooxda Daacish. Waa muwaadin Maraykan ah oo hore ugu noolaa Mareykanka ka hor inta uusan ku biirin kooxda argagixisada ee Daacish.

5: Cabdixakiin Dhoqob (Cali Saleebaan) Wuxuu ahaa madaxa arrimaha siyaasadda. Waxaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka fuliyey gobolka Bari.

6: Cabdiqani Luqmaan (Cali Saleebaan) waa madaxa hawlgallada milateri ee Daacish. Warbixinno qaar ayaa sheega in uu ka soo jeedo beesha Leelkase.

Warbixin ay qortay haayada @CrisisGroup ayaa lagu sheegayaa sababta Beesha Cali Saleebaan ugu badan tahay Daacish in ay tahay cabashooyin xooggan oo ku saabsan cadaalad-darro iyo dulmi ay ka tirsanayaan maamulka Puntland, gaar ahaan Beesha Maxamuud Saleebaan.

Warbixinta @CrisisGroup ayaa lagu odhanayaa sidan:

โ€œBeesha Cali Saleebaan oo u badan hoggaanka Daacish waxay ka cabanayaan nidaamka maamul ee Puntland, iyaga oo dagaal xukun ay isku hayaan Beesha Maxamuud Saleebaan oo ay u arkaan in ay xukunkii Puntland gacantogleeyeen. Xiisadahan ayaa keentay beesha Cali Saleebaan noqoto hormuudka Kooxda Daacish. Sannadkii 2016, mid ka mid ah khilaafyadaas ayaa isu beddelay olole iska caabin hubaysan ah oo ay sameeyeen Beesha Cali Saleebaan, halkaana ay Kooxda Daacish ku kasbatay taageero balaadhan oo ay ka helaan deegaannada Cali Saleebaan. Cabashada Beesha Cali Saleebaan ayaa keentay in ay la saftaan kooxda Daacish.

Sidaa marka xaqiiqadu tahay, ee dhammaan warbixinada Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo Haayadaha Madaxa bannaan ayna meelna ku xusin in Somaliland xidhiidh la leedahay Daacish, sow xaalka Maamulka Puntland noqon-maayo โ€œSakaaro saallo la arkayo bay aastaaโ€

Aragtida cilmi nafsiga ahโ€Psychoanalytic theoryโ€ waxa jira wax la dhaho โ€œDefense Mechanismsโ€

Qofka binniโ€™aadamka ah marka ay lasoo darasto xaalad nafsi oo adag, taas oo welwel iyo walaac leh, uuna lahayn awoodii iyo kartidii uu isagu wax kaga qaban lahaa, waxa meesha timaada in uu qofku galo dagaal cidiyo ku dagaalan ah. Dagaalkaas oo ay bundhig u tahay Cuqdad, Ciil, Cadho, Cadaawad, Cidhiidhi, Afxumo, Eedayn, Xanaaq, Guhaad, Aargudasho, iyo Muraala-dillaac qofku uu miyir doorsoomo, isaga oo bedela dabeecadihii iyo dhaqamadii lagu yaqaanay. Haddaba hababka difaacu โ€Defense Mechanismโ€ waa hab ay maskaxdu ula tacaasho wallaaca iyo dareemada nafsiga ah ee uu qofku wajahayo ama soo foodsaaray.

Qofka ayaa waxyaabaha uu sameeyo waxa ka mid ah in uu isdiidsiiyo xaaladda waaqica ah ee jirta balse lidi ku ah waxa uu rabo ama aaminsanyahay(Denial). Qofka oo rumaysta waxaan jirin isaga oo iska indhotiraya xaalada dhabta ee meesha taal(Distortion), iskuna maaweeliya xaalad aan meesha oollin. In qofku waxa isagu yahay ama xaaladda uu ku suganyahay dadka kale ku eedeeyo ama ku tilmaamo, ujeedaduna tahay in uu qariyo xaalada dhabta ah ee uu wajahayo. Tusaale, nin waalan ayaa odhanaya hebel waa waalanyahay, isaga oo raba in uu ku qariyo waalidiisa (Projection).

Eeg hadda, doodda laysku eedaynayo kooxaha argagixisada ah waa mid doqonniimo ah, aragti ahaana waa dood liidata in kooxaha argagixisada ah laysku eedeeyo, balse waxa lagama maarmaan ah in dooddan si facts and figures ah looga jawaabo. Arinkani maaha sheeko kaftan ah oo keliya ku eeg dhalinyaro, laakiin waa mid si abaabulan ay ug wada shaqaynayaan dad masuuliyiin ka ah Puntland iyo warbaahintooda. Markaa waa muhiim in eedahaas beenta ah iyo narrative-kaas la gadayo laga jawaabo. Waxaana lagu daโ€™feenayaa xogo run ah, oo hayโ€™addo caalami ahi diyaariyeen.

Haddaba Maamulka iyo Madaxda Puntland waxa aan kula talin lahaa, waar dagaalka aad ku jirtaan ha foolxumaynina, joojiyana dacaayadaha aan waxba ka tarayn dagaalka aad ku jirtaan. Isdabaqabta oo joojiya in aad dad kale ku dhaliishaan wixii aad dayacdeen ama idinka xumaaday. Qaata masuuliyada oo wixii idinka khaldama wax ka barta, wixii aad ku guulaysan waydaana eegga sababta. In aad qaadato masuuliyada xaalada aad ku sugantahay ama caqabadaha kusoo foodsaara, waa talaabada koobaad ee aad ku gaadhi kartaan hadafyadiina iyo himilooyinkiina, taa ayaa guusha idiin horseedaysa, waana sida aad Daacish kaga guulaysan kartaan, waa haddiiba aad rabtaan in aad ka guulaysataan.

 

ย