Qore C/Wahaab Daahir Xasan
Baligubadle (Dawan):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bilawday kormeerka saddex biloodlaha ah ee xarumaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex ee uu ka socdo mashruuca damal Caafimaad iyo xarumaha kale ee Caafimaadka Gobolka Maroodijeex.
Kormeerka oo uu hoggaaminayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Axmed Maxamuud Jaamac isla markaana ay ku wehelinayeen, xubno ka mid ah, agaasime waaxeedyadda Wasaaradda, sida Waaxda Adeega Caafimaadka iyo Horumarinta Cisbitaalada iyo adeega Caafimaadka Bulshadda, madaxda Mashruuca Damal Caafimaad ee Wasaaradda,, Madax ka socota hay,adda ALLIGHT, oo fulinaysa Mashruuca Damal Caafimaad, isuduwayaasha gobolada Maroodijeex iyo Hawd, iyo masuuliyiin kale oo ka socota Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Kormeerkan ayaa ugu horayn masuuliyiintu ku soo qiimeeyeen xaaladaha caafimaad ee guud ahaan gobolka Hawd, gaar ahaan cisbitaalka wayn ee degmada Balligubadle, xanaanada dhexe ee degmadda Balligubadle iyo sidoo kale xanaanooyin caafimaad oo ka tirsan Gobolka Hawd, sida Gumburaha, Bali- Cabane, Saylla, Baargoo, Xaaji- Haybe, xarunta Hooyada iyo dhalaaanka ee Gumar.
Geesta kale Madaxda xarumahan caafimaad ee Kormeerka lagu soo maray, ayaa si waafi ah uga warbixiyay masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, adeegyadda ay bulshada u qabtaan, caqabadaha taagan iyo wixii qorshayaal ah ee ay u baahanyihiin in ay ka caawiso guud ahaan Wasaaradu, gaar ahaan mashruuca Damal Caafimaad.
Gabagabadii Agaasimaha guud iyo masuuliyiinta kale ayaaย uga mahadceliyay shaqaalaha xarumaha caafimaad ee gobolka Hawd ee kormeerka ay kusoo mareen, sida hagar la’aanta ah ee ay bulshadooda ugu shaqeeyaan, sidoo kale kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan hawlaha adeeg bixinta caafimaadka ee ay bulshadooda u hayaan.
ย