Qore: Boqore Axmed Cabdi
Ceerigaabo (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa shirkada DP World kala wareegay kaalmo Raashin ah oo loogu talogalay in la gaadhissyo dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan ba gobolka Sanaag, kuwaasi oo tiradoodu ay gaadhayso 1200 oo Qoys.
Munaasibada lagula kala wareegayay kaalmada raashinka ah ayaa waxa ugu horayn ka Hadley masuul ka socday shirkada DP World, kaas oo ka warbixiyay kaalmada raashinka ah ee ay ugu talogaleen bulshada danyarta ah ee ay saameeyeen duruufaha kala duwan waxaanu sheegay.
“ Anaga oo ka socona shirkada DP World waxa aanu raashin soo gaadhsiinay gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Ceerigaabo, kaalmada raashinka ah ayaa loogu talogalay dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Ceerigaabo, waxaanu si rasmi ah ugu wareejin doonaa Badhasaabka gobolka Sanaag.”
Geeska kale guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse oo ka gudoomay shirkada DP World kaalmada raashinka ah ee ay ugu talogashay dadka danyarta ah ee Sooman ayaa waxaanu bogaadiyay sida ay shirkada DP World u garab taagan tahay bulshada Ceerigaabo ee duruufaha kala duwan la nool waxaanu sheegay
“ waxa aanu u mahad naqaynaa shirkada DP World oo kaalmada na soo gaadhsiisay, waxa aanu cadaynaynaa in aanu kala wareegnay 1200 oo Qoys raashinkoodii oo shirkada DP World ka timi, waxaanu rajaynaynaa in aanu sidii loogu talogalay u gaadhsiino dadka loogu talogalay, aad iyo aad baanu ugu mahadcelinaynaa cid kasta oo ka soo shaqaysay gaar ahaan kooxda hadda na soo gaadhsiiyay, annaguna waanu gaadhsiin doonaa.”