Helitaanka waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, waxaana la hirgelinayaa barnaamijyo waxbarasho oo xabsiyada ka jira.”
“Manhajkani waxa uu maxaabiista siinayaa fursad ay ku horumariyaan aqoontooda iyo xirfadahooda, taasoo gacan ka geysan karta in ay si wanaagsan u dhex galaan bulshada” Madaxweyne Cirro
Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuryadda Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa shalay ka qayb galay daahfuka siyaasadda iyo manhajka waxbarasho ee xabsiyda dalka.
Manhajka waxbarasho ee Madaxweynaha Somaliland uu daah furay ee siyaasadda iyo manhajka Xabsiyada dalka ayay iska kaashadeen wasaaradaha caddaalada iyo diinta iyo aw-qaafta Somaliland.
Amanhajka Xabisiyda dalka ayaa wax wayn ka tari doona kor u qaadista aqoonta maxaabiista ku jirta xabsiyada Somaliland.
War saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay wargeyska Dawan,ayaa u dhignaa sidan.\
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka qayb galay Daahfurka Siyaasadda iyo Manhajka Waxbarasho ee Xabsiyada Somaliland, waxaana munaasibaddan soo diyaarisay Wasaaradda Caddaalada.
Manhajka Waxabasho ee Xabsiyada waxa iska kaashaday Wasaaradaha Caddaalada, Waxbarashada iyo Diinta iyo Awqaafta.
Madaxweynaha oo munaasibadda ka jeediyey hadal ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadani ay daliil cad iyo astaanba u tahay sida ay Xukuumada 𝐖𝐀𝐃𝐀𝐉𝐈𝐑 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐀𝐗-𝐐𝐀𝐁𝐀𝐃 uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, dib-u-habaynta xabsiyada dalka, iyo fududeynta dhaqan celinta maxaabiista xukuman.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in ay tahay markii ugu horreysay ee la hirgelinayo nidaam waxbarasho oo habaysan oo ka dhex jira Xabsiyada Somaliland, taas oo hubinaysa in maxaabiistu helaan fursado waxbarasho oo awood u siinaya inay noqdaan dad shaqaysan kara marka ay Xabsiga soo dhamaystaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlayey ujeedada laga leeyahay Manhajka ayaa waxa uu yidhi:
“Manhajkani waxa uu maxaabiista siinayaa fursad ay ku horumariyaan aqoontooda iyo xirfadahooda, taasoo gacan ka geysan karta in ay si wanaagsan u dhex galaan bulshada marka ay soo dhamaystaan xabsiga.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa kale oo uu sheegay in Xukuumad ahaan ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Somaliland, horumarinta xirfadaha iyo helida fursadaha Shaqo, waxana uu yidhi:
“Helitaanka waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, waxaana la hirgelinayaa barnaamijyo waxbarasho oo xabsiyada ka jira si loo xaqiijiyo arrintan. Dad badan oo Xabsiyada ku jira ma haystaan waxbarasho rasmi ah ama xirfado shaqo. Barnaamijkan wuxuu bixin doonaa waxbarasho aasaasi ah, tababaro xirfadeed, iyo barashada anshaxa si loo kordhiyo fursadahooda shaqo marka ay xabsiga kasoo baxaan.”
Guntii iyo gaba-gabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in Daahfurka Siyaasadda iyo Manhajka Waxabasho ee Xabsiyadu ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka caddaaladda dalkeena, iyada oo diiradda la saarayo dib-u-habaynta Xabsiyada iyo dhqan celinta Maxaabista.