Hargeysa(Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo dagaalka gudihiisa ka socda ee u dhexeeya kooxda daacidh kulaย soo galgashay Somaliland.
Wa-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland oo lagaga jawaabay hadalka ka soo yeedhay Maamulka Garoowe,ayaa u dhignaa sidan.
โ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐ฐ๐๐ ๐๐๐ฅ ๐ง๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐ฒ๐๐๐๐ฎ ๐๐ฒย ๐ฎ ๐ญ๐๐ก๐๐ฒย ๐ซ๐๐๐ฌ๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ซ๐๐ฌ๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐ฒย ๐ค๐ฎ soo ๐๐๐๐ง๐จ-๐ฆ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ. ๐๐ข๐๐จ๐จ ๐ค๐๐ฅ๐, ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐ข ๐ฎ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐จ๐ ๐๐๐๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฑ๐๐ฌ๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐ง๐ข๐๐ ๐๐๐๐๐ง ๐ ๐๐๐ฌ๐ค๐ #๐๐๐ซ๐ข๐ค๐, ๐๐๐ฅ๐๐ฅ๐ค๐ ๐ฃ๐๐๐ซ๐ค๐๐๐๐ ๐๐ก๐ง๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐๐ฒ ๐ฅ๐ ๐ฃ๐๐๐๐ฌ๐ก๐๐ก๐๐ฒ ๐ข๐ง๐๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ง๐๐๐ฅ๐ฅ๐จ๐จ๐๐๐๐ง ๐ง๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐๐ฌ๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐ง๐ข.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay taariikhย dheer u leedahay la dagaallankaย argagixisada iyo budhcad baddeeda ooย ay ka fogaysay dalkeeda, juhdigii ay ka samaysay ka hortagga argagixisaduna wuxuuย noqday mid deyr u ahย mandaqada oo dhan.
Qoddobka 10aad fiqradiisaย 7-aadย ee dastuurka JSL waxa uuย jidaynayaa: โDawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxisnimada ujeeddo kasta ha lahaadeene.โ Somaliland waa dalka keliya ee mandaqada ku yaalla ee dastuurkiisu waajibayay la dagaallanka argagixisada.
Sidaas awgeed, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somalilandย waxa mar walbaย ka goโan la dagaallanka argagixisada, waxaanayย iskaashi wax ku-ool ah kala leedahay arrintaas dalalka jaarka ah.
Ugu dambayn, waxa wax lala yaabo ah eedahaย deel-qaafka iyo cuqdada ahย ee ay ka muuqato nafla-caarinimada la qarsan waayayย ooย maalmihii la soo dhaafay ka soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee #Soomaaliya, kuwaasi oo ku eedaynayay Somaliland wax aanay dhaqan u lahayn, kana suurtogeli karin oo aan ku sifayn karno โHadal meel waayayโ.