๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ Q๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐ข๐ข ๐’๐š๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ง๐ข๐ ๐š ๐š๐ก.

0
21

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Ceergaabo (Dawan) Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii 14 aad safar shaqo ku jooga Gobolka Sanaag ayaaย  ka qayb- galay, munaasabad ballaadhan oo lagu Qaramaynaayey qaybtii sadexaad ee Ciidanka Madaniga iyo Gadiidkoodii dagaalka, kuwaas oo si rasmi ah uga mid noqday Ciidanka Qaranka JSL .

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey ciidanka la qarameeyey, waxaanu sheegay in wali ay Ceerigaabo taalo gogoshii nabadeed ee ay hore ugu baaqay Xukuumadda WADDAJIR IYO WAX- QABAD.

Madaxwayne ku xigeenku ayaa sheegay in ay gabogabo ku dhawdahay qaramaynta ciidanka madaniga ee Ceergaabo isla markaana ay wax yari u hadheen isagoo intaasi ku daray in deegaanka qaybta Sadexaad ee ay ciidankooda madaniga ah qarmaynayeen ay ahaayeen ciidan loo sii diyaariyey qaramaynta taasina ay keentay in qarmaynta qaybta sadexaad si fudud ugu soo dhamaato.

Geesta kale Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa tilmaamay qaramaynta ciidanka madanigu ay ugu dhigan tahay guul wayn oo u soo hoyatay Jamhuuriyada Somaliland oo dhan waxana uu tilmaamay in ay ciidanka madaniga uu si toos ah ula wareegay Taliyaha ciidanka Qaranka Sareeye guuto Nimcaan Gaaxnuug oo madasha ciidanka lagu qaramaynayey goob joog ka ahaa.

Mar uu Madaxwayne ku xigeenku ka hadalayey Nabada iyo gogosha Nabadeed ee uu dhawaan Madaxwaynaha somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro fidiyey ayaa waxa uu yidhi โ€œCiidanka la qaramaynayo u jeedadiisu waxay ahayd Ceergaabo iyo sanaag sidii nabad galyadeedu u soo noqon lahayd, gobolka in joogta iyo in kamaqanba, waxanu leenahay Ilaahay idankii aynu dhaqaaqno, Gogoshii waytaalaa, Madaxwaynuhu waa fidiyey, Anna Waan kala bixiyey, markaa waxanu leenahay halagu soo hirto oo halayskugu yimaado.

ย 

ย 

ย 

ย