Hay’adda Dhawrista Tayada oo Mamnuucday soo Dejinta Agab aan Waxtar u lahayn Dalka

0
31

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan) Hay’adda dhawrista Tayada  Somaiiland ayaa dalka ka mamnuucday soo dejinta agab aan dalka faa,iido u lahayn marar badan na cabasho ka timi soo dejintooda.

Waxaana la mamnuucay in la soo geliyo Weelka madhan sida Jawaannada, Karaatoonta, Bacaha iyo Caagaga, kuwaas oo cabasho badan laga gudbiyay soo gelintood gudaha dalka.

Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland oo u taagan illaalinta iyo bad-qabka bulshada Jamhuuriyadda Somaililand isla markaasina gudanaysa waajibaadkeeda ayaa ka jawaabtay cabasho badan oo soo noq-noqtay Weelasha madha ee lala soo dego, taasi oo wakhtiyada qaar ay suuragal tahay in si khaldan loo isticmaalo.

Sidaasi daraadeed waxa ay Hay’adda Dhawrsita Tayada Somaliland mamnuusday loo gelinta dalka ee Bacaha, Jawaanada, Karaatoonta iyo Caagaga, marka laga reebo alaabta madhan ee warshadaha wadankunisticmaalayaan.

Sidoo kale waxay sheegtay Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland in Badeecadaha dalka soo loo ogol yahay boqolkiiba laba weel madhan ah oo la socota shixnada markaa dalka soo galaysa oo ay isku shaambad yihiin si loo isticmaalo wixii ka dhaawacma.

Sidoo kale Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa sheegtay in aanay jiri doonin cid ama shirkad dib-u-moorin doonta, taasi oo aan ogolaashiyo ka haysan Hay’aadda.

Gebo’gabadii Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa fartay dhammaan ganacsatada dalka gaar ahaan ku dib-u-moornta Sameeya inay u hogaansamaan amarka Hayy’adda iyo wareegtada ka soo baxday, waxaana lagu wargaliyay cidii baal marta amarkan in laga qaadi doono tallabo sharciga waafaqsan.