Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Kaalmo raashin ah oo ka timi Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa la gaadhsiiyay 360 oo Qoysas Danyar ah, kuwaasi oo ku nool xaafadda Daami ee magaalada Hargaysa.
Gaadhsiinta kaalmada raashinka ee madaxwaynaha Somaliland ugu talogalay dadka danyarta ah ee xaafadda Daami ayaa waxa qayb wayn ka qaatay Mudane Xildhibaan Barkhad Jaamac Batun iyo Maayirka caasimadda Hargaysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge,
Madasha lagu wareejinayay kaalmadan raashinka ah ee uu bixiyay Madaxwaynaha Somailand ayaa hadal ka jeediyay Xildhibaan Barkhad Batuun oo xaafadda laga doortay, isla markaasina kana mid ahaa dadkii kaalinta ka qaatay in madaxwaynuhu kaalmada soo gaadhsiiyo xaafadda waxaanu sheegay
“ Waxaan u mahad-naqayaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro oo 360-ka Qoys aan lacag u soo dhiibin ee raashin u soo dhiibay, oo gaadiidkaasi soo saaray oo saaka la idiin qaybinayaa.
Waxan isagana u mahad celinayaa Maayirka Hargaysa oo raashinka in xaafadda la soo gaadhsiiyo qayb ka ahaa oo waxa uu ahaa ragii Madaxwaynaha kala hadlay arrintan”.
Sidoo kale madasha waxa ka Hadley Maayirka caasimadda Hargaysa Cabdikariim Axmed Mooge oo bulshada xaafadda Daami ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay isku taageersadaan, waxaanu madaxwaynaha Somaliland ugu mahad-naqay kaalmada raashinka ah ee uu gaadhsiiyay xaafadan waxaanu tilmaamay
“ Waxa aynu u mahad-naqaynaa Madaxwaynaheena Jamhuuriyadda Somailand ee idin xasuustay maalintan barakaysan ee ku jirta bisha barakaysan ee Ramadaan, annaga ka dawlad hoose ahaan waa noo farxad in dadkayaga baahan ee degan xaafadda Daami kaalmadani soo gaadho oo ay ka soo gaadho madaxwaynahoodii ay doorteen iyagu”.
Gebo’gabadii bulshada iyo dhalinyarada xaafadda Daami ayaa madaxwaynaha ugu mahad celiyay kaalmadan raashinka ah ee uu soo gaadhsiiyay dadka danyarta ah ee xaafadda Daami, waxaanay xuseen in ay u qalmaan intaasi iyo in ka badan ba in la soo gaadhsiiyo kaalmada oo kale.