Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan afur ah ku qaabilay Madaxweyneyaashii hore ee dalka Muuse Biixi Cabdi iyo Daahir Rayaale Kaahin..
Madaxweynaha ayaa labada Madaxweyne ee hore uga horrayn uga xaal waramey xaalada guud ee dalka.
Kulanka ayaa daba socday kulamo hore oo uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) la yeeshay Madaxweynayaashii hore ee Somaliland si ay xogo-gaal ugu noqdaan iskana xaal waraystaan xaaladda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay kulanka uu la yeeshay labada Madaxweyne ee hoggaaminta dalka uga horreeyay,ayaa qoraal uu bartiisa baraha bulshada ku faafiyay ku yidhi “Waxa aan galabta(shalay) kulan iyo Afur wada qaadannay Madaxweynayaashii hore ee Qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland ee 3aad iyo 5aad ee Mudane Daahir Rayaale Kaahin & Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Labada Madaxweyne ee hore waxa aan iska xog-wareysannay guud ahaan xaaladda dalka ee dhanka horumarka, dhaqaalaha, nabadda, iyo isbeddelada ay Xukuumaddeydu waddo.
Sida oo kale, Walaaladay Madaxweynayaashii hore waxa aan si qoto dheer u wada dul-istaagnay taariikhdii dib u dhiska dalkan, hayaankii dheeraa ee loo soo maray hannaanka qori isu dhiibka talada dalka iyo nidaamkeenna doorashooyinka..
Ilaahay idamkii waxaa noo sii socon doonna kulamada wada-tashiga Qaran ee dalkan wadajirkiisa lagu sii amba-qaadayo.”