Qiimayn Lagu Samaynayo Nidaamka Maamulka Cashuuraha Berriga iyo Kastamada Somaliland

0
26

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilawday qiimayn lagu samaynayo Nidaamka Maamulka Cashuuraha-Berriga iyo Kastamadda.

Qiimayntan oo heer-caalami ah waxa ay raacaysaa habka lagu qiimeeyo cashuuraha ee loo yaqaan Qalabka qiimaynta ogaanshiyaha maamulka Cashuuraha (TADAT) oo ah hanaan lagu qiimeeyo cashuuraha gudaha oo ay sameeyeen hay’adda Lacagaha Dunidda ee IMF, Baanka Adduunka, iyo Qaadhaan-bixiyayaashu.

Iyadda oo qiimaynta Kastamadda loo raacayo hal-beegyadda ay dajiyeen Ururka Kastamadda Caalamku.

Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo daah-furay kulanka ayaa xusay muhiimadda gaarka ah ee ay Dawladda u leedahay in la ogaado halka aynu ka marayno maamulka cashuuraha kala duduwan iyo sida ay wasaarad ahaan uga go’an tahay in qiimayn sugan oo saxan la helo si aynu galdaloolooyinka jira uga gaashaamano, sidoo kalana u ogaano, cashuuraha aynu qaadno, kuwa inaga baaqda, nidaamka jira iyo horumarinta aynu u baahanahay haddii ay tahay xaga nidaamka iyo xaga shaqaalaha iyo tabobarka ay u baahan yihiin.

Gaasta kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa isna xusay muhiimadda qiimayntani leedahay iyo sida ay Wasaarad ahaan muhiimad gaarka ah ugu leedahay in la sameeyo qiimayn dhamaystiran oo taabanaysa dhinac kasta, taas oo inoo sahli doonta in aynu ogaano halka aynu ka marayno heerarka caalami ahaan la isla aqoonsan yahay.

Qiimayntan oo loogu tallo-galay in lagu ogaado halka aynu dal ahaan ka marayno hal-beegyadda caalamiga ah, ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee Dalka Somaliland laga sameeyo qiimayn heer-caalami ah oo ku saabsan nidaamka aynu u maamulno cashuuraha kala duduwan ee dawladdu qaado.

Gabagabadii Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku hawlan dedaalo kala duwan oo looga gol-leeyahay in lagu dardar geliyo, laguna casriyeeyo habsami u socodka iyo maamulka cashuuraha laguna ogaado gal-daloolooyinka ku jira. Qiimaynta oo ay samaynayso Shirkad la yidhaa Parker Russell, waxa inaga caawinaya Baanka Horumarinta Afrika, gaar ahaana mashruuca ISEGP.