Baki (Dawan):-Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamuud Cige Yuusuf iyo Agaasimaha guud ee Beeraha Eng Cabdirisaaq Axmed Gaas oo ay weheliyaan masuuliyiin kale, ayaa gaadhay degmada Baki ee gobolka Awdal.
Weftiga wasiirka oo ay xubno ka yihiin Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Cabdirisaaq Axmed Gaas, Agaasimaha waaxda Qorshaynta Ibraahim Cumar iyo Agaasimaha waaxda Shaqaalaha Werdi Axmed Xasan, ayaa gaadhay degmada Baki, iyagoo isku maray deegaannada hoos yimaadda degmada Baki oo ay ka mid yihiin Xeego, iyo Ruqi.
Weftiga wasiirka beeraha oo ay soo dhaweeyeen Masuuliyiin uu ka mid yahay Maayirka degmada Baki Maxamed Axmed Caateeye, ayaa waxay kormeer ku soo mareen dhul-beereedka Baki, Ruqi iyo Xeego, halkaas oo ay ku yaallaa beero si wanaagsan looga shaqeeyay.
Wasiirka iyo madaxda la socota, ayaa Maamulka degmada Baki iyo dadkii kale ee soo dhaweeyay ka dhegaystay war-bixino la xidhiidha wax soo-saarka beeraha iyo dedaalka ay wadaan.
Weftiga Wasiirka ayaa saaka inta aanay u gudbin degmada Baki, waxay madax-taabasho ku sameeyeen shaqaalaha wasaaradda Beeraha ee gobolka Awdal, hawshaasi oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda Beeraha ee magaalada Boorama.