WEEDHA WARGEYSKA HA LOO KALA TALIYO CIIDANKA QARANKA IYO BARAHA BULSHADA

0
25

Baraha bulshadu waxay sahleen isku-xidhka iyo xog helida mujtamaca caalamka, waxaana laga helay faa’dooyin fara badan oo dhinaca aqoonta ah iyo wada xidhiidh fiican. Koboca tiknoolajiyadda ayaa sahlay isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada. Hase yeeshee faa’iidooyinka badan ee ay baraha bulshadu u leeyihiin waxa fasaqday saameynta xun ee ay ku yeesheen hab-dhaqanka, akhalaaqda iyo hab-fikirka bulshada.

 

 Mareegaha loogu isticmaalka badan yahay ee Facebook, Tiktok, Youtube iyo kuwa kale ee la midka ah ayaa noqday duni hoy u ah fursad xidhiidh iyo fidmo ceebeed oo is barbar socda iyo fool-xumo markaad dhex mushaaxdo maskaxda iyo maanka caadiga ah waxyeellaynaya.

 

 

Dhibaatada baraha bulshadu, waxay baro saartay dhallinyaradii nolosha iyo mustaqbalka ku taamayey, waxaanay qaarkood ka dhigtay kuwo ka dhex baxay xayndaabkii akhalaaqda  dhowrsoon, waana sida aynu ka aragnay da’yar badan oo waddankeenna u dhashay oo si khaldan uga faa’iidaysanaya isticmaalka baraha bulshada, kuwaasoo mar walba jiidanaya ama duufsada kuwo kale oo bedqabay.

 

 

Haddaba, iyadoo aynu ka wada dheregsanahay mushkilada weyn ee ay baraha bulshadu ku hayaan mujtamaca, waxa masiibo kale ah oo aynu beryahan dambe arragnaa Askarta Ciidanka Qaranka ee ku sugan goobaha hawlgallada Ciidan ka socdaan oo si ka baxsan anshaxa iyo asluubta Ciidannimada ugu isticmaalaya baraha bulshada furimaha hawlgallada, iyagoo si aan tudhaale u lahayn naftooda iyo ta bulshada caadiga ah uga soo gudbiya muuqaallo iyo farriimo kale oo xambaarsan xogo khatar ah oo aan loo baahnayn inay dibadda u soo baxdo.

 

 

Farriimahan waxay si deg deg ah u dhex qaadaan caalamka baraha bulshada, waxaana adeegsada cid kasta oo dan iyo ujeeddo ka leh, iyadoo marka la miisaamo aan wax faa’iido ah oo waxtar leh ama wanaaggeedu qeexan yahay aan  ku celin shaqada  Ciidanku qabtay oo ah mar walba waajib-gudasho aan buunbuunin uga baahnayn iyaga, laakiinse cidda ku faantaa ay tahay shacbiga ay difaacooda u taagan yihiin.

 

 

Inkasta oo ficillada noocan ahi aanay ku koobnayn oo keliya Ciidanka dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland, balse hore looga diwaangeliyey dalal badan inay Ciidamadoodu ku kaceen isticmaalka taban oo dhanka baraha bulshada ah, kuwaasoo ka dhaxlay cawaaqibyo xun-xun oo isugu jira kuwo caafimaad iyo qaar halis naftooda geliyey.

 

 Marka aynu ka hadlayno Ciidankeenna Hab-dhaqankani wuxuu hadimo ku yahay Askarta naftooda.

Waxa kaloo uu ihaanno  ku yahay sumcad Ciidanka.

 

 Sidoo kale, goobaha dagaalka  oo lagu dhex isticmaalo  baraha bulshadu wuxuu qeyb ka noqon karaa beegsiga istaraatiijiyadda Ciidanka. Waxaas oo dhan waxa ka sii daran inuu ammaanka mustaqbal ee Askarta mugdi gelinayo hab-dhaqankaasi, maadaama xogta iyo muuqaalada laga baahinayo furimaha ay keydsanayaan cadowga iyo cid kasta oo dan u yeellataa, isla markaana ay sahlanaanayso in lagu beegsado gudaha dalka iyo dibadaba. Tusaale ahaan waxa lagu dacweyn karaa dal kale oo uu Askarigu ama sarkaalku dan u tegay. Dacwad uun maahee waxa halis lagu gelin karaa naftiisa. Sidoo kale safaaradaha iyo meelaha kale ee ay danno dibaddeed kaga xidhmaan ayuu kala kulmi karaa caqabado iyo baadhitaanno aan loo baahnayn, maadaama uu isagoo si shakhsi ah  uu dibadda iyo gudahaba ku dhex socdaali karo.

 

 

Dhanka kale, shacbiga waxay arrintani ku keentaa xiisad iyo xamaasad dhalisa inay sameeyaan falal khatar gelisa cid aan waxba galabsan.

 

 Waxa kale oo ay si sahlan u gilgilshaa xasiloonida iyo cadiifada bulshada caadiga ah, iyadoo xataa u saameyn karta nafsiyan hab caafimaad. Askarta laftooda ayuu dhaqankani ku yeellanayaan halis  maskaxeed iyo nafsaddeed, sida loiga soo joogay dalal kale oo caalamka ah oo arrintani ku dhacday Ciidamadooda.

 

Sidaasi awgeed, waxa muhiima inay Hay’addaha qaranka u xilsaaran maamulka Gaashaandhiggu arrinta ka soo saaraan go’aamo adag oo lagu xakamaynayo, isla markaana Ciidanka lagaga suulinayo dhaqanka noocan ah, si looga hortaggo in aanay khatartu u sii ballaadhan. Sidoo kale taliska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa aan u soo jeedinaynaa inuu guud ahaanba ka mamnuuco Ciidammada inay goobaha hawlgalada iyo dagaalka ku isticmaalaan baraha bulshada, una sameeyo guddi daba-gal iyo anshax-marin ku samaysa Askarta u hogaansami wayda awaamiirta uu arrintaas ka soo saaro.

 

 

Ugu dambeyn, waa muhiim in Qaranku u kala taliyo baraha bulshada iyo Ciidanka dalka, si loo badbaadiyo sharafta, haybadda iyo anshaxa Ciidanka qalabka sida