Xumaanta Cadhadu Leedahay

0
259

Saxaabiga Ibnu Mascuud (rc) waxa uu Rasuulka Allah (scw) ka soo weriyay inuu yidhi: :โ€ Maxaad u taqaaniin ninka adag ee raga legda? Waxaana asxaabtu yidhaahdeen ninka aanu raggu legdi Karin, waxaan Nebigu (scw) yidhi โ€œ Ninka adagi waxa weeyi , ninka naftiisa qabta ee xakameeya marka uu cadhoodoโ€ (Muslim)

Xadiiskani wuxu tilmaamayaย  dhibaatada ay leedahay cadhadu iyo wanaagga uu leeyahay dulqaadku.

Saxaabiga kale ee Maalik ayaa soo weriyay :โ€in nin nebiga (scw) u yimi oo ku yidhi โ€œ ii dardaaran oo ha igu badinin, inaanย  iloobaa laga yaabeโ€.

Rasuulka Allah (scw) wuxu ku yidhi โ€œ Ha cadhoonโ€.