Kulan Wacy-gelin ah oo loo Qabtay Shaqaalaha Hay’adda Dhawrista Tayada

0
26

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargeysa(Dawan):-komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka qaranka,ayaa Kulan wecyi-galin ah waxaa ay u qabteen  shaqaalaha hay,adda dhawrsita dayada Somaliland.\

Kulankaas ayaa waxa uu ku saabsanaa sida la iskaga ilaalin lahaa Xanuunka H.I.V/ AIDS ka, loogana hortagi ahaa khatarta Xannuunkaasi.

Guddoomiyaha hay-adda Dhowrista Tayada Somaliland Mudane Mukhtaar Maxamed Cali ayaa Masuuliyiinta iyo howl wadeenada Komishankaas ku soo dhaweeyey xarunta guud ee hay-adda Dhowrista Tayada Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in kulankoodaas uu ahaa mid wecyi-galin ah oo Shaqaalaha hay-addaas ka howlgala lagu baraarujinaayey sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen khatarta xannuunkaasi.

Guddoomiyuhu ayaa shaqaale weynaha ka howlgala hay-addaas kula dardaarmey in aqoonta wecyigalineed ee ay kulankaas ku qaateen uga faaiideeyaan Bulshada, oo ku baraarujiyaan Bulshada la nool yihiin sidii looga gaashaaman lahaa khatarta xannuunkaasi.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha hay-adda Dhowrista Tayada Somaliland waxa uu uga mahadceliyey Masuuliyiinta komishanka Xakameynta H.I.V/ AIDS ka dadaalkooda ay Bulshada Somaliland kaga wecyi-galinayaan khatarta uu leeyahay xannuunkaasi.

Dhankiisana, Aaasimaha Komishanka xakameynta H.I.V/AIDS ka Mudane- Maxamed xaaji yaashiin oo goobtaas ka hadley ayaa ka warbixiyey ujeedadda kulankoodaas daaranaa, waxaanu agaasimuhu faahfaahin dheer ka bixiyey siyaabaha kala duwan ee xannuunkaas faafitaankiisa la iskaga ilaalin karo iyo qaababka kala duwan ee xannuunka AIDS ku u faafi karo.

Iyadoo agaasimuhu xusey in Masuuliyiinta komishankaas sameeyeen Barnamijka Baraarug oo ah Barnamij Bulshadda Somaliland laga wecyi-galinaayo khatarta xannuunkaas iyo in aan la takoorin Dadka la nool Xannuunkaasi.

Gabagabadii Agaasimuhu waxa uu si gaar ah u sheegay in Komishanka xakameynta H.I.V/AIDS ka uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),isla markaasina, komishankaas ku howlan yahay xiligan sidii Bulshada ku dhaqan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka looga wecyi-galin lahaa xannaankaas.