Hargaysa (Dawan):- Wasirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi iyo saraakiil sare oo ka mdi ah wasaaradda Caafimaadka,ayaa kormeer ku tegay xarumaha caafimaadka ee ku yaal degaanadda hoosyimaada degmadda Sabawanaag.
Kormeerkaas oo ay masuuliyiinta wasaaraddu wadeen todobaadkii u dambeeyey ayaa qayb ka ahaa qiimayn lagu samaynayo sida uu u socdo mashruuca Damal caafimaad oo taageera xarumaha caafimaadka gobolka Maroodijeex.
Kormeerka waxaa Wasiirka ku wehelinayey xubno ka mid ah agaasime waaxeedyadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, madaxda Mashruuca Damal Caafimaad ee Wasaaradda, Madax ka socota hay,adda ALLIGHT oo fulinaysa Mashruuca Damal Caafimaad, Isuduwaha Gobolka Maroodijeex iyo masuuliyiin kale oo ka socota Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Kormeerkan ayaa ugu horayn masuuliyiintu ku soo qiimeeyeen xaaladaha caafimaad ee guud ahaan Dagmada Sabawanaag, gaar ahaan cisbitaalka wayn ee degmada Sabawanaag, xanaanada dhexe ee Sabawanaag iyo sidoo kale xanaanooyin caafimaad oo ka tirsan Dagmada Sabawanaag, sida Bali Kalil, Cali Aadan, Bali Qasim, Bali Axmed iyo Bandar wanaag
Madaxda xarumahan caafimaad ee Kormeerka lagu soo maray, ayaa si waafi ah uga warbixiyay masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, iyo masuuliyiinta wehelinayay adeegyadda ay bulshada u qabtaan, caqabadaha taagan iyo wixii qorshayaal ah ee ay u baahanyihiin in ay ka caawiso guud ahaan Wasaaradu, gaar ahaana mashruuca Damal Caafimaad.
Intii wefdigu kormeerka ku guda jiray waxaa deegaanaddan ku soo dhaweeyey dadka deegaanka iyo Masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha hayadda shaqaalaha dawladda Cabdicasiis Xirsi Warsame, Xildhibaan Axmed Nuur Yuusuf Guruuje iyo gudoomiyaha degmadda Sabawanaag.
Sidoo kale bulshadda deegaanadda Sabawanaag ayaa wasiirka uga mahadnaqay kormeerka iyo booqashadda uu ku tegey deegaanaddan.
Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa dhankiisa ka waramay Kormeerkan ay maanta ku imaadeen Dagmada Sabawanaag iyo waxyaabihii ay indhahooda kusoo arkeen, isagoo balan qaaday in caqabadihii uu indhihiisa kusoo arkay ay ka Wasaarad ahaan balan qaadayaan inay si degdeg ah wax uga qaban doonaan.
Dhanka kale Wasiirka Ayaa Agab Caafimaad kala wareegay Hay,adda Alight isagoo ku wareejiyay Xarunta hooyadda iyo dhalaanka ee Sabawanaag, agabkan iyo daawooyinkan ayaa ah kuwo ku filan in xaruntu isticmaasho Muddo saddex bilood ah.
Gabagabadii Mashruuca Damal caafimaad waxaa maalgalinaya Baanka Aduunka (World Bank), waxaana uu taageeraa 49 xarumo caafimaad oo ku yaala gobolka Maroodijeex. Mashruuca waxaa loogu talogalay in lagu kordhiyo isla markaana kor loogu qaado tayadda adeegyadda caafimaad ee ay bixiyaan xarumaha gobolka Maroodijeex.