Qore C/wahaab Daahir Xasan
Bebbera(Dawan):-Wasiirka wasaaradda maalgashiga iyo horumarinta Warshadaha Somaliland Mudane Siciid Maxamed Buraale, ayaa Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ka furey Xafiis cusub oo Wasaraddaasi ku yeelan doonto gobolka Saaxil.
Xaflada xadhig ka jarka xafiiskaas ayaa waxaa ka soo qaybgaley masuuliyiinta wasaarada maalgashiga iyo horumarinta wershadaha Somaliland, isu-duwaha wasaradda ee gobolka Saaxil, guddoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil Mudane- Maxamuud Hindi Aadan iyo Marti sharaf kale.
Isu-duwaha wasaradda maalgashiga iyo horumrinta Wershadaha ee gobolka Saaxil iyo guddoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Mudane Maxamuud Hindi Aadan, ayaa boggaadiyey xafiskaas cusub ee wasaraddaasi ku yeelanayso Gobolka Saaxil, waxa uu intaas ku daray in Maamulka Gobolka Saaxil hore uga hadli jireen baahida loo qabey xafiis noocaas oo kale ah, maadaama Magaalada Berbera ay tahay Laf-dhabarti Maalgashiga ee dalka, waxaanu fariin u direy Masuuliyiinta wasaradaha dawladda ee aan xafiisyada ku laheyn Gobolka Saaxil, isagoo ka codsaday inay xafiisyo ka furtaan.
Geesta kale wasiirka wasarada Maalgashiga iyo horumarinta Wershadaha Somaliland Mudane Siciid Maxamed Buraale ayaa sheegay in xafiiskan cusub ee ay ka hirgaliyeen Magalada Berbera ee Gobolka Saaxil loogu adeegi doono bulsho weynta Somaliland, waxaa uu intaas raaciyay in siyaasadda madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ay tahay sidii maamul daadejin loogu sameynlahaa laamaha dowladda ee ka hawlgala gobollada dalka, waxa uu xusay in Gobolka Togdheer ay ka hirgaliyeen Xafiis cusub oo Wasarada Maalgashiga iyo horumarinta Wershaduhu ku yeelan doonto Gobolkaas.
Gabagabdii Waxa uu sheegay in Masuuliyiinta Wasaraddaas u qorsheysan tahay sidii xafiisyo cusub Wasaraddu ugu yeelan laheyd Magaalooyinka Goboladda Awdal iyo Sanaag, oo wasaraddu aanay xiligan wax xafiisyo ah ku laheyn.