Waxa xaqiiqo ah in qaddiyada Somaliland ee ictiraaf heliddu wakhtigan meel aad u fiican joogto, wadamo badan oo Mareykanku ka mid yahayna danaynayaan, taasoo horseedi karta in Somaliland dib loo aqoonsado. Tani waxay noqon kartaa mid soo deg degta marka aynu eegno miisaanka duruufaha dibedda ka riixaya, wakhti dheerna way qaadan kartaa marka aynu ka shidaal qaadanayno caqabadaha caalamiga ah ee dunidu la daalaa-dhacayso oo ay kamid yihiin Khilaafka u dhexeeya dawladdaha reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo saaxiibaddiisa midowga Yurub.
Inkasta oo mad-madowga soo kala dhex galay Washington iyo Yurub uu ku taxaluqo isla-xisaabtan iyo inuu madaxweynaha cusub ee Maraykanku doonayo inuu dib u habeyn ku sameeyo isku-halleynta xulafadiisa dhanka gaashaan-dhigga iyo dhaqaalaha, taasna marka dhinaca togan laga eego ay lafteedu keeni karto fursad kale oo muhiim u ah Dalkeena, isla markaana abuuraysa loollan siyaasadeed oo dhexdooda ku dhex mara gobolka, taasoo aanay Somaliland ku waayi Karin ollog kale oo qaddiyadeeda taageara, sida Ingiriiska iyo midowga Yurub oo kamida saaxiibada Somaliland.
Sidaasoo ay tahay, maalmahan waxa aad loo hadal hayaa in wefti ballaadhan oo ka socda dalka Mataykanku ay ku soo waajahan yihiin Jamhuuriyadda Somaliland. Inkasta oo aan war rasmi ah oo la xidhiidha imaanshiyaha weftigaas ka soo bixin ilo labada dawladdood ah.
Sidaas darteed ha jirto ama yaanay jirin xogta imaanshiyaha weftiguye, Somaliland waxa ay uga baahan tahay dawladda Maraykanka taageero siyaasaddeed oo run ah, kuna dhisan dan-isdhaafsi, taasoo gaadhsiisan ama ku qiimeysan inay si buuxda u aqbasho dib u aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay xulafaddeeda Afrika, Yurub iyo kuwa Aasiya-ba ku qanciso Kiiskeeda oo ahmiyad weyn u leh mandaqada iyo gobolka Geeska.
Tani waa taageero siyaasadddeed oo ka jawaabaysa xasiloonida Mustaqbalka qaaraddeed iyo inay Jamhuuriyadda Somaliland saaxiib iyo xulaf weyn oo gobolka ah u noqonayso Washington, haddii ay fahamto, farogeliso, kaddibna fuliso muhiimadda Iskaashiga qodobada waaweyn ee horyaalla.
Haddii ay timaado su’aal odhanaysa ma tahay xilligan arrintaasi mid macquul noqon karta? Jawaabtu waa haa, waana muhiim in laga hadlo wakhtiga iyo macquuliyadda, marka diirada la saarayo Kiiska Somaliland.
Siyaasaddu maaha aragti ma guuraan ah, balse waa fanka iyo farshaxanka wixii suurtogal ah. Raysal-wasaarihii Jarmalka Otto von Bismarck ayaa ku qeexay arragtida falsafaddeed “Siyaasaddu waa farshaxanka macquuliyadda” (Politics is the art of the possible).
Sidoo kale, Bismarck wuxuu leeyahay siyaasaddu ma aha aragti go’an ‘ideology’ sababtoo ah siyaasaddu waa hab ama nidaam lagu gaadho go’aanno iyada la eeggayo maxaa suurtogal ah?
ee lama eeggo maxaan jecelahay. Marka laga hadlayo loollan afkaareed oo kala fog, xalku kuma yimaado siyaasadda ah aan guuleysto, adiguna guuldarayso.
Marka qof ama koox ay go’aanno siyaasadeed qaadanayaan sida qodobka aynu u soconay ee ah isku-xidhnaanta dhamaysturka qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo damaca Istaraatiijiyaddeed daneeyayaasha Iskaashiga Somaliland, laba arimood ayaa muhiim ah: 1) Wakhtiga (Timing) 2) Maxaa Suurtogal ah (Possibilities).
sidaas darteed, haddii aynu la akhrino labadaas qodob rabitaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa muuqata in la jooggo millay uu suurto-gal yahay inay saaxiibbada Istaraatiijiyaddeed, maal-gashadeyaasha danaynaya khayraadka dalkeena iyo xullafada siyaasaddeedba ku baraarugsanaadaan in la jooggo wakhtigii ay Somaliland heli lahayd dib-u-ictiraaf caalami ah.
Xukuumadda Somaliland ee cusub oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ay hadda u dhamaanayaan boqolkii maalmood ee u horeeyey muddo-xilleedkeedu, waxa hubaal ah inuu cad yahay mowqifkeedu, isla markaana ay barmamauj iyo qorshe cad ka leedahay arrimaha ictiraaf raadinta, waxaanay goolkii u horeeyey ka dhalisay shirweynihii bishii hore ka qabsoomay Magaalada Dubai, kaasoo boqol digrii kor u qaaday magaca iyo mustawaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaasoo ay tahay, waxa aan xukuumadda ku boorinaynaa inay dalabka koowaad ee ay dunida u bandhigayso ay ka dhigto taageero siyaasaddeed oo la xidhiidha aqoonsiga, una balaysinto qodobkaas si cad oo aan badhax ku jirin, waxaanay taasi ugu yaraan kor u qaadaysaa maqaamka ay daneeyayaashu kula macaamilayaan Jamhuuriyaddeena.