Ha’adda Horumarinta Wadooyinka oo Kaalmo Xoolaha ah kala Wareegtay Bulshada Degmada Gumburaha.

0
22

Qore C/wahaab Daahir Xasan.

Balaygubadle (Dawan) Maamulka degmada  gumburaha  ee gobolka hawd ayaa kaalmo xoolo nool ugu deeqay wadada isku xidha Magaalooyinka Haragaysa iyo Balaygubadle ee dhawaan uu dhagax dhigay madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro taasi oo muddooyinkii u dambeeyey ay shaqo baaxad lihi ka socotay, waxa deeqdaas degmada gumburaha ka guddoomay Maareeyaha Hay’ada waddooyinka Somaliland.

Waxa madasha xoolaha lagula kala wareegayey ka hadlay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha degmada gumburaha Siciid Jibriil Cabdi, Maayerka Degmada Balaygubadle Maxamed Cabdi muxumed Siine,Gudoomiyaha gobolka hawd Maxamed Xasan Saleebaan iyo sidoo kale Maareeyaha Ha’adda Horumarinat wadooyinka Somlailand.

Guddoomiyaha degmada gumburaha oo xoolaha ku wareejinayey Masuuliyiinta Ha’adda Wadooyinka ayaa waxa uu sheegay in ka degmo ahaan shaqaalaha ka hawlgalaya wada ay ugu deeqeen Konton (50) Nee foo adhi ah.

Waxa isaguna dhankiisa ka hadlay maayerka degmada Balaygubadle isla markaana masuuliyiinta Ha’adda horumarinta wadooyinka uga mahadnaqay sida hagar la,aanta ah ee ay u wadaan shaqada wadada, waxa kale oo uu xusay in wada oo wakhti kooban soctay hadana la dhigay laami gaadhaysa afar kilo mitir.

Geesta kale Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo madasha ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in uu aad u soo dhawaynayo shaqada baaxada leh ee ka socota wadada isku xidha Balaygubadle iyo Hargaysa, waxa kale oo uu bogaadiyey madaxwaynaha somliland oo waxqabadkii ugu horeeyey ee uu dalka ka qabto ka dhigay wadan.

Maareeyaha Ha’adda waddooyinka Somaliland Maxamed Faarax Cabdi ayaa sheegay in ay ka hayada ahaan ay fulinyaan balanqaadkii madaxwaynaha isla markaana si joogta ah ay u soo karmeeraan wadada sidoo kalena aanay wadadu noqon mid kaliya la dhagax dhigay uune shaqadeedu socoto, waxa kale oo uu intaasi ku daray in wadadani muhiim u tahay isku xidhka magaalooyinka Balaygubadle iyo Hargaysa.

“Waxa laga raysan doonaa Umul aroorkii, waxa laga raysan donayaa in laga caajiso tagitaanka hargaysa, waxa laga raysan doonaa in shacabku godoon kala galaan marka roobabku da,aan, waxay fududayn doontaa in Balaygubadle looga shaqotago Hargaysa” Maareeyaha Haayada Horumarinta wadooyinka ayaa sidaas yidhi. Waxa kale oo uu intaasi ku daray ” waanu filaynay in deegaanka gumburu ay leeyihiin gobonimada intaas leeg, in aan agtooda lagu qaydayna hore Ayaan u sheegay, maantana way ka dhabeeyeen, waananu ka gudoonay” Maxamed Faarax Mareeyaha Ha’adda horumarinta wadooyinka.