Jasiiradda Masaska Iyo Abeesada!

0
16

Dhanka xeebta Baraasil, oo ugu yaraan 93 mayl u jirta magaalada Sรฃo Paulo ee dalka Baraasil, waa jasiirada Ilha da Queimada Grande, oo sidoo kale loo yaqaan “Jasiiradda Snake Island.” Ama Jasiiraddad Masaska.

Jasiiradda horumarka baadhista Aadamigu gaadhay waxa in jasiiraddu tahay tan dunida ugu masaska badan iyadoo 1 mitir2 ay ku nool yihiin ugu yaraan 5 mas.ย  Waxaana baadhayaashu ay cadeeyeen in Masasku ay ku nool yihiin shimbiraha badan ee soo kuwaasi oo Jasiiraddan u isticmaala nasasho.

Waqtiga xaadirka ah, gaadhida jasiiradda sharci ahaan waxay u baahan tahay iskaashiga ciidamada badda ee Brazil. Dalxiisayaasha sida aadka ah u xiisaynaysa waxay si ulakac ah ugu safri karaan Peruรญbe ama Itanhaรฉm, taasi oo ah inay ku dhowaadaan Jasiiradda ย laakiin sameynta arintani waa mid khatar ah oo sharci darro ah.

Jasiiraddan waxa loo diiday in dalxiisayaashu ayย  tagaan. Jasiiraddan waxa keliya oo loo ogol yahay inay tagaan sayanisyahanda iyo khubarada cilmi baadhayaasha kuwaasi oo iyagana la siinayo ogolaansho rasmi ah. Jasiiraddan ayay Masaska iyo abeesooyinku yihiin kuwo goob kasta iyo waddo kasta jooga isla markaana noocyadooda kala duwan ay u dhan yihiin.