Qore C/wahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Abaalmarino kale duwan oo qaali ah guddoonsiiyey Arday iskugu jirtay Wiilal iyo Hablo oo ugu sarreeyey Tartanka Xifdiga Qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaan.
Munaasibadda Abaalmarinta Sannadlaha ah ee Tartanka Qur’aanka Karriimka ah ayaa lagu qabtay Xarunta Qasriga Madaxtooyada JSL waxaana ka soo qayb galay dad ka badan 400 oo qof oo isugu jira Culimada Dalka oo ka yimid dhammaan 6-da Gobol, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaano, Ardayda Quraan Xafidka ah wiilal iyo hablaba iyo Marti sharaf kale.
Ugu horrayn, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) ayaa halkaasi ka jeediyey hadal qoto dheer oo kaga xog warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Tartanka Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan, isaga oo xusay in tartankaasi uu socday muddo ka badan 3 bilood.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa mid mid u gacan qaaday Da’yarta Xufaada Qur’aankaKariimka ah, waxana uu guddoon siiyey Abaamarino qaali ah oo ay mutaysteen oo ugu horreeyo furaha baabuurka cusub ee uu ku guulaystay ardayga kaalinta koowaad ku guulaystay waxaanu uu dayarta Eebbe uga baryey inuu ka abaalmariyo Qawlka Allah ee ay quluubtooda ku xifdiyeen.
Geesta kale taariikha markii ugu horraysay Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa abaalmarin dahab ah guddoonsiiyey ardayadii ugu saraysay hablaha ee ku guullaysatey Tartanka Xifdiga Qur’aanka karriimka ah ee bisha Ramadaan.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha JSL ayaa kullan ballaadhan la yeeshay Culimada waaweyn ee JSL, halkaana ka jeediyey khudbad soo jiidatay quluubta Culimada.
Gabagabadii Culimadii ka hadashay kulanka ayaa iyagaguna dhankooda si weyn ugu duceeyey Madaxweynaha, dalka iyo dadka JSL. Culimada ayaa dhammaan bulshada reer Somaliland kula dardaarmay in ay si buuxda ula shaqeeyaan Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.