Madaxweynaha Somaliland Isbedelkii uu ku Olaleeyey wuu yimid” Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar

0
40

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka mid ah culimada waa wayn ee Somaliland ayaa tilmaamay in madaxwaynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro isbadelkii u uku ololeeyay xiligii ololaha uu hadda yimi waxaanu sheegay

“ Waxa inoo dhalatay dawlad cusub iyo maamul cusub oo uu ka madax yahay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo runtii in badan ku dhawaaqi jiray ama isaga iyo xisbigiisu ku ololayn jireen isbadel, rubtii isbadel waa yimi, waxaan anigu u arkaa isbadelka xaqiiqada ah shakhsiyaadka la magacaabayo ma ahan balse waa nidaamka dawliga ah, wixii qoladii hore ay qabteen in halkii hore looga sii wado, wixii ka baylahayna in la toosiyo oo la hagaajiyo”.

Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cai Jawhar ayaa geesta kale madaxwaynaha ku amaanay ka qayb galinta Haweenka ee tartanka Qur’aanka kariimka iyo sida ay xukuumadiisu muhiimada u siinayso Kitaabka Qur’aanka Kariimka waxaanu yidhi

“ Waxan ka mahad celinaynaa madaxwaynuhu suurta galinta uu suurta galiyay, kulankii awalba jiri jiray balse aad u xardhay lana kulmay tartankii Qur’aanka oo gabdhuhu ay ka qayb galayaan, Haweenku wixii shareexadu ka reebtay mooyee way la leeyihiin raga wixii Diintu u ogoshahay, taasina waxay ina tusaysaa muhiimada ay xukuumadeenu siinayso Diinta Islaamka ee Kitaabka Qur’aanku uu ugu horeeyo, inay dareentay inay gabdhuhu inamada la mid yihiin oo laga soo qayb galiyay, kuwii u guulaystayna waanu boggaadinaynaa”.

Dhinaca kale Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawrah oo qayb ka ahaa culimo uu madaxwaynaha Somaliland xarunta Madaxtooyadda ugu sameeyay afur ayaa madaxwaynaha ku dhiirigaliyay inuu halkaasi ka sii wado dedaalka iyo horumarka ay ka xukuumad ahaan ugu jiraan dalka waxaanu sheegay

“ Maantana madaxwayne Cabdiraxmaan inuu halkaasi hore uga sii wado ayaa looga fadhiyaa, waayo waa nin Dublamaasi ahaan jiray oo dawlado la soo macaamilay, arki jirayna sida ay dawladuhu u dhaqmi jireen garanayana, ILLAAHAY waxaan ugu rajaynayaan in u uku guuleeyo”.

Gebo’gabadii Sheekh Cabdilaahi ayaa madaxwaynaha u soo jeediyay in awooda uu saaro horumarka dhinaca beeraha si bulshadu wax ula soo baxdo waxaanu tilmaamay

“ Madaxwayne waxaanu kuu soo jeedinaynaa horumarka ugu wayn in aad xaga Beeraha saarto, qiime ma laha in Geedaha yar yar la beero, balse waxa asal ah in Qamadiga, Galayda, Hadhuudhka la beero, dadkan dhaamamka loo xidho, boqolka beerood ee dhaamkaasi u dhawna ay dawladu ku khasabto inay wax-soo-saar sameeyaan”.