Qore C/wahaab Daahir Xasan.
Addiss Ababa (Dawan) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland, mudane Maxamed Cabdiraxmaan oo safar shaqo ku jooga wadanka Itoobiya gaar ahaan magaaladda caasimadda ah ee Addiss Ababa ayaa la kulmay madaxda sare ee Machadka Arrimaha Dibedda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Itoobiya oo uu ka mid yahay Agaasime Ku-xigeenka mudane Bereket Diriba.
Geesta kale Mudane Bereket Diriba ayaa si diiran ugu soo dhaweeyey Agaasime-Guud xarunta dhexe ee Mac-hadka IFA, isaga oo faah-faahin ballaadhan ka siisiyey qaybaha iyo shaqooyinka uu Mac’hadku u qabto Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo guud ahaan wadanka Ethiopia.
Gabagabdii Ujeedada kulanka ayaa ahayd in la xoojiyo iskaashiga labada Mac’had ee Institute of Foreign Affairs (IFA) iyo Somaliland Institute of Diplomacy and International Affairs (SIDIA), si ay u wadaagaan khibradaha la xidhiidha cilmi-baadhis, aqoon is-weydaarsi, horumarinta iyo kor u qaadista xirfadaha diblomaasiyadeed.