Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo ka Hadlay Qaramaynta ciiddamada Madaniga ah ee Saddex Gobol iyo Daminta colaad beeleed ka dhacday Sanaag

0
24

Qore: Faysal Xiis Afgaab

“Waxaa maanta wada shaqaynaya dawlad iyo dadkeedii oo is ogol arrintuna meel fiican ayay noo maraysaa.”

“Difaaca Qaranku waa masuuliayaddayada koobaad dadka iyo dalkana waanu difaacaynaa’lbada beelood xalka colaadooda waanu ku jirnaa.”

“Dawladnimadu wa dhakhtar waanay ku qasban tahay dawaynta dadkeeda.”Wasiirka Difaaca waraysi gaar ah

Ceerigaabo(Dawan):- Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Difaaca Qaranka Md. Maxamed Yuusuf Cali,ayaa ka hadlay qaramaynta ciidamada madaniga ah ee ka socotay gobolka Sanaag iyo halka ay u marayso,goorta ay u soo gudbayaan qaramaynta  ciidamada gobolada sool iyo Togdheer iyo dagaal beeleed ka dhacay bariga gobolka Sanaag siday ka Xukuumad ahaan uga hawl galeen.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay bulshada bariga Somaliland iyo xukuumaddu isu ogolyihiin ee ay meel uga soo wada jeedaan waxkasta oo wanaag ahna uga wada shaqaynayaan.

Waxaanu intaa raaciyay in xukuumaddu markasta horraysiinayso nabadaynta iyo walaalaynta umadda isla markaana marnaba aan laga tegayn lagana gaabinayn difaaca qaranka oo mudnaanta koobaad u ah dawladda..

Waxaa kale oo uu iftiiimiyay in ciidamadii la qarameeyay  ay hadda ka mid yihiin ciidanka qaranka isla amrkaana xuquuqna aylleeyihiin waajibaad waran na uu saaranyhay,waxaanu intaa ku daray in gaadiidkii markii hore ciidamada madaniga ahi ay wateen ee sumadaha gaarka ah laha ain ay  hadda ka mid yihiin gaadiidka ciidanka qaranka summadii ciidanka qaranka iyo midabkii ciidanka qaranka na lagu buufiyay kama mid yihiin gaadiidka ciidanka qaranka ee ku sugan jiidaha hore.

Wasiir gaashaan dhigga Somaliland Mudane Maxamed Yuusuf Cali,waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan xarunta goblka Sanaag ee Ceerigaabo.

 

 

Ugu horrayn wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiinayay hawsha qaramayntu halka ay marayso,ayaa yidhi.“Hawsha qaramaynta ciidamadii madaniga ahaa ee gobolka Sanaag meel gaba gabo ah ayay noo maraysaa waxaana noo hadhay bobolkiiba shan wax ka yar,waxaanan uga sii gudbaynaa ciidamada madaniga ah ee gobolada Sool iyo Sanaag, mana nihin wefti Sanaag iyo Ceerigaabo uun iska fadhiya ee intaaba waan soconaa oo meel kasta oo hawlaha qaranku ka jirtoba waanu tagnaa,imikana kulamo iyo wada hadalo ayaa noo socda ciidanada labada gobol ee kale, ta ugu mudanina waa in dawladda iyo dadku is afgartaan meel fiicanna way noo maraysaa oo  waa dawlad iyo dadkeedii oo isku duuban ayaa hawlalahaa u wada gudtaday.”

 

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay ciidamada iyo gaadiidka la qarameeyay iyo halka ay ku sugan yiiin,ayaa yidhi. “ciidamada markii hore ahaa ciidamo gaar ah oo qabiilaysan imika waa ciidan qaran oo xuquuq qaranka ku leh lana mid ah ciidanka qaranka iyagana waxaa saaran waajibaadka ciidanka ciidanka qaranka meel kasta oo uu joogo saaran gaadiidkii ay  wateen ee calaamadaha qabaliga ah lahaana imika waanu buufinay oo astaantii ciidanka qaranka iyo midabkii ciidanka qaranka iyagoo leh ayay ciidanka ka mid yihiin oo ay joogaan jiidaha kala duwan ee ciidanka qaranka.”

Wasiirka oo la waydiiyay in hawsha qaramaynta ciidamada madaniga ahi ay xukuumadda ku keeni karto culays,ayaa ku jawaabay.”hawsha qaramayntu waa xilkii dawladda ba loo doortay ee ay umadda u haysay waana waajib  na saaran in aanu gudano oo aanu dhammaystirno shaqada aad masuuliyadeeda leedahayna culays maaha ee waa xil ku saaran oo lagaa rabo anaguna waajibaadkayagii ayaanu gudanaynaa,markaa culays naguma aha ee waa shaqadayadii oo aanu gudanayno uun.”

Wasiirka oo ka jawaabayay haddii Weerar lagu soo qaado waxa uga meel yaalla,ayaa yidhi. “horta marka hore shalay maaha arrintu ee maa maanta oo shalay waxaa jiray dawlad iyo dadka oo aan is ogolayn,laakiin maanta dawlad iyo dad is ogol ayaa jira anaguna markasta waxaanu awoodda saaraynaa nabadaynta iyo isu soo dhawaynta dadka iyo dawladooda laakiin taasi Meesha kama saarayso difaaca qaranka oo markasta ah masuuliaydayada koobaad ee na saaran oo ah in aanu dalka iyo dadkaba difaacno,dalka iyo dadkaba waanu difaacaynaa dadkana waanu walaalaynaynaa uu u adeegaynaa.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay dagaal beeleed ka dhacay bariga Sanaag,ayaa yidhi.“Sanaag bari dhibaato laba beelood ah ayaa ka dhacday waxaana isku dhacay laba beelood oo walaalo ah waanan ka hawl galnay dawlad ahaan dhaawcyadiina qaar ayaaba Ceerigaabo la keenay dawladduna arrintaa nabadaynteeda way gashay oo waa dadkeedii nabadaynteedana gacanta ayaanu ku haynaa oo waa lagu jiraa xil ayaana naga saaran in aanau dadka wixii dhib ah ee ka dhex dhaca in aanau dhamayno oo walaalayno meel fiican na way noo maraysaa.”ayuu yidhi wasiirka wasaaradda gaadhaandhigga Somaliland Qaranka Md. Maxamed Yuusuf Cali oo Khadka taleefanka ugu warramayay wargeyska Dawan