Gaza: Qaramada Midoobay oo Israa’iil ku eedaysay in ay geysteen falal xasuuqa ah iyo xadgudubyo dhanka galmada

0
21

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay adeegsanayaan rabshado sii socda oo dhanka galmoodka iyo jinsiga ku saleysan oo ka dhan ah falastiiniyiinta iyo weliba fulinta “falalka xasuuqa” iyada oo loo marayo burburinta joogtada ah ee xarumaha daryeelka caafimaadka hooyada iyo taranka.

Warbixin ay soo saartay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayey ku soo bandhigtay dukumeenti ku saabsan xadgudubyada ka dhacay Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto oo ay ku jiraan kufsiga, kuwaas oo socday tan iyo markii dagaalladu bilaabmeen 7dii Oktoobar 2023.

Waxa kale oo ay sheegtay in burburinta qaybaha dhalmada ee Gaza ay muujin karto istaraatiijiyad looga hortagayo dhalashada koox gaar ah, waxaana lagu tilmaamay mid ka mid ah qeexitaannada sharciga ah ee xasuuqa.

Israa’iil waxay sheegtay inay “si cad u diidayso eedeymaha aan sal iyo raadka lahayn”.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa si cadho leh uga jawaabay, isaga oo ku tilmaamay golaha xuquuqul insaanka “mid nacaybka Yuhuuda ah, qudhmay, argagixisada taageera oo ah mid aan cidna khusayn”.

Halkii ay diiradda saari lahaayeen dambiyada dagaal ee ay gaysteen Xamaas, ayuu yidhi, waxay Israa’iil ku weeraraan “eedeymo been ah”.

Guddiga Caalamiga ah ee Madaxa Bannaan ee Baadhitaanka Dhulka Falastiin ee la haysto waxaa aasaasay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay 2021 si ay u baadhaan dhammaan xadgudubyada lagu eedeeyay sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo xuquuqda aadanaha.

Guddigan oo ka kooban saddex xubnood ayaa sheegay in warbixintooda cusub ay ku saleeyeen marqaati ay ka heleen dhibanayaasha iyo marqaatiyaasha xadgudubyada galmada iyo taranka, kuwaas oo qaarkood ka hadlay labadii maalmood ee dhageysiga dadweynaha ee Geneva ka dhacay horraantii toddobaadkan, iyo sidoo kale sawirro iyo muuqaalo muuqaal ah oo la xaqiijiyey, iyo macluumaadka bulshada rayidka ah iyo ururada xuquuqda haweenka.

Guddoomiyaha guddiga Navi Pillay, oo Koonfur Afrikaan ah oo hore u ahaan jirtay madaxii hore ee xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in cadaymaha la uruuriyay “ay muujinayaan korodhka xun ee xadgudubyada galmada iyo jinsiga” ee ay ku andacooneyso in Israa’iil ay u shaqaaleysiiso falastiiniyiinta “si ay u argagixiyaan oo ay u sii wadaan nidaam cadaadis ah oo wiiqaya xuquuqdooda aayo-ka-tashiga”.

Warbixintu waxay sheegtay in noocyada gaarka ah ee xadgudubyada galmada iyo jinsiga ku salaysan – sida hanjabaada kufsiga,, qofka oo la qaawiyo, dhibaatayn galmo jidheed iyo sidoo kale faraxumaynta qofka xubnihiisa taranka – “waxyaabahan oo dhani waxay qayb ka tahay hababka hawlgalka ciidamada Ammaanka Israel ee ku wajahan Falastiiniyiinta”.

 

Sidoo kale noocyada rabshadaha oo kale ah, oo ay ku jiraan kufsiga iyo rabshadaha xubnaha taranka, ayey si cad ugu kacaan iyada oo hogaanka sare ee Milateriga Israa’ii ay dhiirigelin qaawan oo ay siiyeen ciidanka, ayey eedayntu sheegtay.

Warbixintu ma bixinayso tusaalayaal amarro cad oo ka yimid taliyeyaasha ama saraakiisha sare. Laakiin waxay soo xiganaysaa hadallo ka soo yeedhay wasiirro Israa’iiliyiin ah oo difaacay askar lagu eedeeyay inay si xun ula dhaqmeen maxbuus Falastiini ah oo ku jiray saldhigga milatari ee Sde Teiman sannadkii hore .

Xubin ka tirsan guddiga Chris Sidoti, oo ah qareen Australian ah oo u doodda xuquuqda aadanaha, ayaa BBC u sheegay: “Rabshadaha galmadu hadda aad bay u baahsan yihiin oo waxaa loo qaadan karaa mid nidaamsan. Waxa ay ka gudubtay heerkii falal aan toos ahayn oo ay ku kacayaan shakhsiyaad aan damiir lahayn.”

Israa’iil ayaa diiday eedaymaha si xun ula dhaqma iyo jidhdil baahsan oo lagu hayo maxaabiista Gaza, waxayna ku adkaysatay inay si buuxda uga go’an tahay heerarka caalamiga ah ee sharciga ah.

Warbixintu waxa ay sheegtay in guddigu uu sidoo kale ogaaday in ciidamada Israa’iil ay si habaysan u burburiyeen xarumaha caafimaadka galmada iyo taranka ee guud ahaan Gaza intii lagu jiray dagaalkii 17-ka bilood socday ee halkaas ka socday.

Waxaa lagu soo gabagabeeyay in haweenka iyo gabdhaha ay u dhinteen dhibaatooyin la xidhiidha uurka iyo dhalmada sababo iyo xaalado ay ku soo rogeen maamulka Israa’iil oo u diiday in ay helaan daryeelka caafimaadka taranka, waxayna sheegeen in ay ka dhigan yihiin dembiga ka dhanka ah bani’aadanimada ee dabar-goynta.

Guddiga ayaa sidoo kale ku andacoonaya in mas’uuliyiinta Israa’iil ay “burburiyeen qayb ahaan awoodda taranka ee Falastiiniyiinta ee Gaza koox ahaan” iyada oo loo marayo “burbur nidaamsan” ee xarumaha daryeelka caafimaadka galmada iyo taranka, oo ay ku jiraan isbitaallada hooyada iyo dhallaanka ee isbitaallada iyo rugta dhalmada ee ugu weyn ee Gaza, Xarunta Al-Basma IVF ee magaalada Gaza.

Tani waxay u dhigantaa “laba qaybood oo ka mid ah falalka xasuuqa ee Rome Statute iyo Axdiga Xasuuqa, oo ay ku jiraan si ula kac ah xaaladaha nolosha loo xisaabiyo si ay u keenaan burburinta jidheed ee Falastiiniyiinta iyo soo rogida tallaabooyin loogu talagalay in looga hortago dhalmada”, ayaa lagu soo gabagabeeyey.

Sida lagu sheegay warbixinta, shaybaadhka Embryology ee Al-Basma ayaa la garaacay horraantii Disembar 2023, waxaana la sheegay in la burburiyay ku dhawaad ​​4,000 oo uurjiif ah iyo sidoo kale 1,000 muunado shahwo ah iyo ukun aan la bacrimin.