Kenya oo jiidhay nin British ah kana cararay kolonyo uu la socday madaxweynaha

0
26

Nin haysta dhalashada dalka Britian ayaa lagu dilay shil gaadhi oo uu geystay gaadhi uu la socday madaxweynaha Kenya William Ruto.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Edgar Charles Frederick oo 79 jir ah, ayaa dhintay Khamiistii ka dib markii uu shil ku galay wadada weyn ee ku taal caasimadda Nairobi.

Booliska ayaa xidhay darawal, kaas oo tan iyo markii lagu sii daayay dammaanad.

Waxa ay sheegeen in uu ninku waday gaadhi ka mid ah kolonyada oo socday dhabarka dambe ee kolonyada rasmiga ah ee madaxweyne Ruto.

Sida laga soo xigtay booliska, shilku wuxuu dhacay markii baabuurkii madaxweynaha iyo kuwo kale ay dhaafeen. Afhayeenka booliiska Michael Muchiri ayaa BBC-da u sheegay in Mr Frederick uu booqasho ku joogay Kenya si uu u soo arko walaashiis iyo wiil uu adeer u yahay oo degan dalkaas.

Ehelka dhibbanaha ayaa lagu wargeliyay, waxaana laga yaabaa in baadhitaanka dhimashada ah la sameeyo. Booliska ayaa sheegay in darawalka oo ku guuldareystay inuu istaago shilka ka dib, uuna maxkamada ka soo muuqan doono baadhitaan kadib.

Baraha bulshada waxaa ka dhacay buuq ka dhashay dhacdadan oo dhcday Khamiistii.

Iyada oo dadka Kenyaanka ah ay caadeysteen in wadooyinka loo baneeyo gaadiidka ay wataan Madaxweynaha, ayaa hadana dadka qaar ay is weydiinayaan sababta ay kolonyada uu kaxaystaa u badan tahay, isla-markaana ay ugu soconeyso xawaarahaasi.

Ma aha markii ugu horaysay ee baabuur ay wataan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay dilaan qof wadada marayey, waxaana marar badan sidan oo kale u dad ugu dhinteen gaadiid ka mid ah safarka madaxweynaha.

Laakiin qaar ayaa aaminsan in fiiro gaar ah loo leeyahay kiiskan ugu dambeeyay sababta oo ah dhibbanaha oo ajnabi ah. Afhayeen u hadlay guddiga sare ee UK ayaa sheegay in saraakiishu ay ka war hayeen warbixinada oo ay raadinayaan xog dheeri ah.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya nin ku lebisan jeans buluug ah iyo shaadh midab khafiif ah oo dhiig ka daatay oo yaal wadada goob ganacsi oo mashquul badan. Sawirro kale ayaa muujinaya dhibbanaha oo meydkiisa maro la huwiyay.

Mr Muchiri ayaa BBC-da u sheegay in gaadhigan uu ahaa mid ay leeyihiin maamulka gobolka uuna taageero siinayay socodka madaxtooyada.

Madaxweyne Ruto ayaa Khamiistii agagaarka goobta uu shilku ka dhacay ku qabtay kulan, taas oo qayb ka ah la xaajoodyo siyaasadeed oo uu la yeelanayo shacabka ku dhaqan caasimadda.