Akhristeyaal qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa war-bixin kooban oo ay qoreen koox sahamiyeyaal ah oo safar cilmi baadhis ah ku yimid Somaliland 2016, warbixintaasi oo lagu baahiyay Bogga “Page” lagu falan qeeyo Arrimaha Badaha.
Waxaanay ka koobnaayeen afar qof oo kala ah Dr. Jean-Paul Hobbs (hormuudkii sahanka) iyo Dr. Joseph DiBattista oo ka socday jaamacadda Curtin University ee dalka Australia, Dr. Luiz Rocha oo ka socday jaamacadda California Academy of Sciences iyo Tane Sinclair-Taylor oo ah sawir qaade deegaan (nature photographer) xubinna ka ah ururka sahamiyeyaasha oo Brazil u dhashay.
Waxa cilmi baadhistan maal gelinayay “National Geographic Society Committee for Research and Exploration”.
Waxay warbixintooda kaga warameen guud ahaan wixii ay Somaliland kala kulmeen, waxa ay Somaliland lafteedu tahay iyo waxa laga aaminsan yahay. Balse balse waxaynu diiradda saari doonaa, wixii ay ka yidhaahdeen deegaan badeedka Somaliland ee biyaha hoostooda iyo nolosha ka jirta oo aan si gaara u xiiseeyo wax ka ogaanshaheeda, iyagana ujeedada koowaad ee sahankoodu ku qotomay. Waxaana ay warbixintoodu u dhignayd sida tan.
“Iyada oo aan la kala reebin guud ahaan xaaladaha deegaan badeedka Somaliland oo dhan iyo nolosha ka jirta biyaha hoostooda, waxa la isku raacsan yahay in ay tahay sanduuq madow oo aan la garanayn wax ku jira (sceintific black box).
Maalintii koowaad safarkayaga Hargeysa iyo Berbera ayaanu ku qaadanay. Maalintii labaad waxa aanu guda galnay ujeedadii safarkayaga. Annaga oo bar tilmaameedsanayna deegaan shacaabiyeed cabir goobeedkiisa la qaaday 20 sano ka hor oo 25 mayl badeed u jira magaalada Berbera ayaa aanu ambabaxnay. Markii aanu gaadhnay meeshii waxa aanu ugu tagnay shacaabi filiqsan balse mihiim ah kuna baahsan dhul badan.
Waxaa xusid mudan in meelaha uu shacaabigu caafimaadka qabo badnida iyo baaxadda nooleyaasha ku nooli ay ashqaraar lahaayeen.
Anaga oo garab dhigayna meelihii hore ee sahankayaga aanu ku soo marnay oo ahaa deegaan shacaabiyeedyada Jabuuti, Cumaan iyo jasiiraddaha Suqadran, waxa aanu markiiba si fiican u aqoonsanay in uu shaacabiga Somaliland ka duwan yahay kuwaa hore iyo in ay halkan ku nool yihiin kalluunno badan oo xerudhalan u ah badweynta Hindiya balse aanaan ku soo arag meelihii hore xataa jasiiradda Suqadra.
Waxa kale oo aanu ku aragnay noocyo xerudhalan u ah badda cas iyo gacanka Berbera oo keliya laga helo, kuwaas oo laguug (raxan) iyo taraash (keli) labadaba lahaa.
Maalintayadii labaad ee sahanka deegaan badeedka Somaliland ee biyaha hoostooda waxa aanu ka quusnay meel dhawr talaabo u jirta halkii aanu laashka ku caashaqnay. Waxa ay ahayd maalin ashqaaraar iyo filan-waa aanu kala kulannay badda hoosteeda. Waa deegaanno biyo gaab ah oo qani ku ah xayaab baddeed iyo noocyo shacaabi ah oo aad isugu cufan.
Noocyada kala gedgedisan ee shacaabiga waxa ugu tiro badnaa noocyada firigoodu yahay Porites iyo Montipora oo boqolaal mitir ku fadhigoodu is haystay. Maalintan waxa aanu muunad (sample) ahaan u qaadanay noocyo badan oo ka mid ah kalluun shacaabiyeedka goobtan.
Waxa aanu u qaadnay machadka sayniska ee California si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo, wax looga qoro, loona baahiyo xogtooda.
Qaar kale waxa aanu ka goosanay qaybo ka mid ah nudeyaasha jidhkooda annaga oo doonayna in aanu baadhitaano ku samayno bal in uu jiro kala duwanaansho ama dhalan-gedi dhanka hide-sideyaasha ah oo u dhexeeya kallluunada ay isku midka yihiin ee deegaanada kala duwan aanu ka soo diiwaan gelinay.
Waxa aanu ku rejo weynahay in aanu daah qaadi doono dhalan-gedi dhanka hide-sideyaasha ah iyo deegaano barwaaqo sooran ah oo faa’idadiisu u soo korodho Somaliland, ogaalkiisuna aduunka oo dhan.
Waxa yaab iyo amakaag noqotay, halka wacdarahan iyo indho daraandarkani ka dhacayaan ee noocyada kalluunada kala duduwan aanu ka diiwaan gelinay waa biyo-gaab ay guntoodu tahay 2 mitir ilaa 8 mitir oo keliya.Arrintan waxa aanu u sababaynay in ay jirto xaalad loo yaqaano doogsin raac (niche compression).
Waa xaalad deegaanada barwaaqo-sooranka ahi ay qaninimadooda ku soo jiitaan kalluuno deegaano kala duduwan ku nool sida; biyaha sare, biyaha dhexe iyo biyaha hoose.
Haddaba xaaladdan doogsin raacu in ay jirto waxa aan u cuskanayaa, deegaan shacaabiyeedka Somaliland waa meesha keliya ee aanu ku aragnay kana diiwaan gelinay laba nooc oo ka mid ah kalluun yaraha la yidhaahdo Balanbaalista badda (Heniochus) oo hal deegaan oo biyo gaab ah ku wada nool, aduunyada kale midkood waxa laga helaa biyaha gaaban midna gunta hoose ee badda.
Waxa kale oo wada noolaanshaha labadan nooc ee isku bahda ahi keeni kartaa suuragalnimo ah in ay is bacrimiyaan (hybridization).
Waxa kale oo aanu deegaan shacaabiyeedkan ka diiwaan gelinay laba nooc oo kale oo kalluunn yarihii balanbaalista ka mid ah (Chaetodon fasciatus iyo Chaetodon lunula) oo wada nool, waxa ay xeru-dhalan u yihiin badda cas, gacanka Berbera iyo badweynta baasifiga, inkasta oo ay yihiin laba kalluun oo is tarmiya, waa hadii ba uun uu jaanisku kulmiyoe hadana aduunyada oo dhan Somaliland oo keliya ayaa laga diiwaan geliyay meel ay labadan kalluun si caadiya u wada nool yihiin.
Waxa la soo gaadhay maalin mashquulka shaqadu aad u badnaa masalooyinka na hor yimina maankayagii gadeen. Waa quusiddayadii ugu dambaysay ee deegaan badeedka Somaliland.
Waxa ay ka dhacday meel 40 mitir u jirta qooriga tuulo xeebeedka Siyara oo uu cabir goobeedkeeda qaaday cilmi baadhihii la odhan jiray Schleyer 1999 kii.Waa tuulo ku taala meel badda iyo berrigu si cajiib ah isu dhex galeen oo meelaha qaar xaraaro cascas oo isku siman ay badda aad u galeen.
Waxa aanu xaga hoose ugu tegnay deegaan hodan ku ah noocyo kala duduwan oo firaash badeed (Sea sponges) iyo shacaabi ah. Noocyada shacaabiga goobtan waxa ugu tiro badnaa noocyada kala ah Zoantharia iyo Astreopora.
Tan iyo intii aanu sahanka dunida ku maraynay weli deegaan badeed dhanka tiro badnida noocyada kalluunka la mid ah iyo mid ku dhow toona maannu arag. Hortayada ma laguugyo caruusado ah oo dabaal joogtaynaya dhagxaanta iyo shacaabiga dushoodaa!, dhankan ma laguugyo kale oo naaqib iyo hanaf leh ayaa is kor iyo hoos maraya oo gudub iyo gadaal ba isu dhaaf dhaafaya!, dhankan kale ma afdheerihii iyo qardabadii oo iska eegaanaya ayaa deegaan shacaabiyeedka iyo deegaan ciideedka u kala gooshaya! Halkanna ma abeensadii badda nooceedii waaweynaa (Honeycomb Moray eels) oo aan nagaba baqanayn ayaa qoorta kor u taagaysa! Cajiib! Cajiib! Cajiib!
Intaa ka dib waxa aanu si wada jira u qornay buug yare tuse ah (Catalog) oo aanu ku sheegnay waxyaabaha ka midka ah deegaan shacaabiyeedka Somaliland iyo waxa aan ka midka ahayn.
Ugu dambayn waxa aanu la kulanay wasiirkii Kalluumaysiga oo aanu wax kasta oo aanu aragnay warbixinteedii siinay annaga oo u taabanay in uu jiro khayraad dihin oo aan la taaban oo aad uga qiima badan noocyada tirada yar ee la soo qabto kuwaas oo ah tuna, deerag, sucbaan iyo bayaad”.