Qore C/wahaab Daahir Xasan.
Ceel-Afwayne (Dawan) Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa shalayย si rasmi ah uga furray Masjid Jaamaca Degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag Shirkii Nabadaynta Qaran ee Ceel-Afweyn .
Furitaanka Shirkaasย waxa ka soo qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda,Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Xildhibaano, Culima’uddiin iyo Madax-dhaqameedka beelaha walaalaha ah ee hore dirirtu u dhexmartay.
Haldoorkii madasha furritaanka shirka nabadaynta Ceel-afweyn ka hadlay ayaa si weyn uga hadlay muhiimadda ay nabadu u leedahay bulshada, waxaanay ku baaqeen in loo baahan-yahay in loo guntado sidii loo adkayn lahaa nabadda Ceel-afweyn, isla markaana looga dheeraan lahaa wax kasta oo wiiqaya nabadda, wadajirka iyo walaal-nimada bulshada reer Ceel-afweyn.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuridda Somaliland ย Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka Xukuumad ahaan ay ka goโantay in la soo afjaro shaqaaqada soo noq-noqotay ee Ceel Afweyn, isaga oo xusay in Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad ay diyaar u tahay in ay Ceel Afweyn ka fuliso mashaariic wax tar u leh bulshada deegaanka.
“Bisha Ramadaan waxa aan Gobolka Sanaag u joognaa waa damqasho iyo darreen, waxa aan doonaynaa in ay soo noqoto Ceel Afweyntii hore, waxa aan idinku dardaarayaa in aydaan kala socon, balse aad wada socotaan, in aydaan kala degin ee aad wada degtaan, in aydaan kala tashan ee aad wada tashataanโ
Markale Madaxwayne ku xigeenka oo hadlkiis sii wata ayaa waxa uu yidhi โguddida waxan leeyahay hadii aad in hore soo gasheen oo go,aamo aad soo saarteen la fulinwaayey had diyaar baanu idiin nahay, wax kasta oo aad so saartaan haduudoono haba qadhaadhaadee waanu fulinaynaa haddii alle yidhaahโ.
Gabagabdii Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw cabdi ayaa ku dhawaaqay gurmad dal iyo biyo ah oo la gaadhsiin doono dadka ku dhaqan Degmada Ceel-afweyn.