Garsooraha Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo diiday baaqii Trump

0
32

Madaxa cadaalada ee maxkamada sare ee dalka Maraykanka ayaa soo saaray hadal naadir ah oo uu kaga jawaabayo baaqii madaxweyne Donald Trump ee ahaa in uu xilka ka xayuubiyo xaakin ka soo horjeestay maamulkiisa oo ku saabsan masaafurinta muhaajiriinta.

“In ka badan laba qarni, may jirin cid xilka qaadis ku hanjabta haday yimaadan khilaafyada ku saabsan go’aanka garsoorka,” ayuu guddoomiyaha maxkamadda sare John Roberts ku yidhi hadal uu soo saaray.

Waxa uu intaa ku daray in habraaca dib u eegista rafcaanka caadiga ah uu jiro

Trump ayaa mar sii horeysay ku tilmaamay xaakimka James Boasberg inuu yahay “mid qaswade iyo kicin ah ka dib markii uu amar ku bixiyay in maamulka uu joojiyo musaafurinta xubnaha burcadda ee El Salvador.

Aqalka Cad si degdeg ah ugama jawaabin arrimahan.

Garsoore Roberts, oo hoggaamiya Maxkamadda Sare, marar dhif ah ayuu soo saaraa bayaan dadweyne oo ku saabsan arrimaha siyaasadda.

Qareenka muxaafidka ah ayaa qoray ra’yiga ugu badan ee dacwadda xasaanadda ee madaxweyne Trump sannadkii hore.

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyada oo Trump uu sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah garsoorayaasha federaalka ee joojiyay ama xukumay qaar badan oo ka mid ah ficilladiisii ​​hore ee madaxweynenimada.

Trump ayaa bartiisa bulshada soo dhigay horaantii salaasadii, kaas oo uu ku weeraray xaakim Boasberg oo uu ku sheegay in ay tahay in xilka laga qaado. “Waxba kumuu guulaysan” ayuu qoray. “Kaliya waxa aanu samaynaynaa waxa ay COD-bixiyeyaashu rabeen in aan sameeyo.” Ayuu raaciyey.

Ka saarida garsooraha federaaliga ah ee habka xil ka qaadista waxay u baahan doontaa Aqalka Wakiilada Maraykanka inay si rasmi ah ugu codeeyaan qodobbada xil ka qaadista, iyo saddex meelood laba meel aqalka senate-ka Maraykanka si ay markaas ugu codeeyaan xukun.

Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa weligii cod u qaaday 15 garsoore oo dacwad lagu soo oogay  oo uu ku jiray mid ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Maraykanka – tan iyo ka aasaasay. Siddeed ka mid ah dadkaas ayaa lagu helay dacwad.

Trump ayaa u muuqday mid ka jawaabayay amarkii xaakimka Boasberg ee ahaa in maamulka Trump uu joojiyo musaafurinta El Salvador ee in ka badan 200 oo Venezuelan ah oo uu Aqalka Cad ku eedeeyay in ay yihiin xubno burcad ah.