Hargeysa(Dawan):-Xarunta Cilmi-baadhista iyo Hal-abuurka Tiknoolajiyadda (Scientific & Technology Innovation Research Center) waa hay’ad cilmiyeed iyo horumarin oo lagu aas-aasayo in lagu dhiirrigeliyo cilmi-baadhis, hal-abuur, iyo horumarka teknolojiyadda. Xaruntani waxay ka shaqayn doontaa:
Cilmi-baadhis iyo horumarin – Kor u qaadidda cilmi-baadhista sayniska iyo teknoolajiyadda si loo xalliyo caqabadaha bulshada iyo horumarka dhaqaalaha.
Hal-abuur iyo tiknoolajiyad cusub – Taageerida ganacsiyada yaryar, aqoonyahannada, iyo hal-abuurayaasha si ay u horumariyaan farsamooyin casri ah.
Iskaashi iyo horumarin caalami ah – La shaqaynta jaamacadaha, mac-hadyada cilmiyeed, iyo shirkadaha teknoolajiyadda si kor loogu qaado aqoonta iyo wax-soo-saarka.
Tababar iyo barista xirfadaha – Bixinta barnaamijyo tababar ah oo sare u qaadaya xirfadaha dhallinyarada iyo cilmi-baadhayaasha ku howlan horumarinta teknoolajiyadda.
Xaruntani waxay noqon doontaa xarun horseed u ah horumarka sayniska iyo tiknoolajiyadda, taas oo sare u qaadaysa tartanka gudaha ee dhinacyada hal-abuurka iyo dhaqaalaha casriga ah.
Fa’iidada Xaruntan Qaranka u Leedahay
Xarunta Cilmi-baadhista iyo Hal-abuurka Tiknoolajiyadda waxay Qaranka Somaliland u yeelan doontaa faa’iidooyin badan oo dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, tiknoolajiyadda, iyo horumarka guud ah sida:
Kor u Qaadista Dhaqaalaha iyo Shaqo Abuurka: waxa ay kobcin doontaa hal-abuurka ganacsiyada yaryar iyo kuwa tiknoolajiyadda ku salaysan. Waxay abuuri doontaa fursado shaqo oo cusub, gaar ahaan dhallinyarada xirfadda leh. Sidoo kale waxay dhiirrigelin doontaa maal-gashiga gudaha iyo dibadda ee dhinaca teknoolajiyadda.
Horumarinta Sayniska iyo Teknoolajiyadda: xaruntu waxa ay xoojin doontaa cilmi-baadhista gudaha ee la xidhiidha xal-u-helidda caqabadaha Somaliland, iyadoo horumarin doontaa tiknoolajiyadda casriga ah sida mishiinada is-wasa (automation), Aladaha lagu kaydiyo xogta u baahan sugid iyo ilaalinta ee dhanka amniga (blockchain), iyo mishiinada caqliga mal-awaalka (AI). Sidoo kale, waxay ka dhiirigelin doona amma taageero u noqon doontaa in dalku yeesho warshado yaryar oo casri ah.
Sare u Qaadista Waxbarashada iyo Aqoonta: Xaruntan oo kale waxa ay fursad u siin doontaa cilmi-baadhayaasha iyo aqoonyahannada inay horumariyaan fikradahooda, iyadoon dhiirrigelin doontaa waxbarashada dhanka tiknoolajiyada ee loo Sayniska tiknoolajiyadda, muhadasnimada iyo xisaabtan (STEM (Science, Technology, Engineering, and Mathematics). Waxa kale oo au abuuri doontaa xarumo tababar oo sare u qaada xirfadaha saynisyahannada iyo injineerrada.
Iskaashi Caalami ah iyo Horumar Mustaqbalka: abuurida xaruntan waxa ay Somaliland ka dhigi doontaa xarun cilmiyeed oo la jaan-qaadaysa waddamada horumaray. Sababtoo ah waxay fududeyn doontaa iskaashi lala yeesho jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baadhista ee caalamiga ah. Iyadoo door muhiim ah ka qaadan doontaa in Somaliland hesho fursado maal-gashi iyo horumarinno dibadeed.
Casharada aan ka Baran Karno Xarumo Guulaystay ee Africa iyo Caalamka
Xarumaha cilmi-baadhista iyo hal-abuurka teknoolajiyadda ee guulaystay waxay door weyn ka ciyaareen horumarinta dalalkooda. Waa kuwan qaar ka mid ah xarumaha caanka ah ee Afrika iyo caalamka, iyo sida ay u beddeleen waddamadooda:
Silicon Valley (USA) – Xarunta Tiknoolajiyadda Adduunka
Xaruntan waxa ay dalka Maraykanka gaadhsiisay saamayn horumar oo dunida ii ku dhaafau sida:
Waxay dhalisay shirkado waaweyn sida Google, Apple, Facebook, iyo Tesla.
Waxay abuurtay malaayiin shaqo oo dhanka teknoolajiyadda ah.
Waxay noqotay xarunta hal-abuurka casriga ah ee caalamka, taas oo sare u qaadday dhaqaalaha Mareykanka.
Casharka laga baran karo: Maalgashiga cilmi-baadhista iyo hal-abuurka tiknoolajiyadda wuxuu kobcin karaa dhaqaalaha iyo sumcadda dal kasta.
Kigali Innovation City (Rwanda) – Xarun Horumarin Teknoolajiyadeed
Xaruntan waa mid dalka Rwanda kaga horumaray dalalka kale ee Afrika, kuna soo jeedisay in maalgashadayaal badan ku soo dhiiradaan. Waxa ka mis ay saamaynteeda:
Waxa loo aasaasay si loo horumariyo hal-abuurka iyo tiknoolajiyadda.
Waxay soo jiidatay shirkado waaweyn oo caalami ah iyo maal-gashi badan.
Waxay sare u qaadday waxbarashada iyo horumarka dhaqaalaha ee Rwanda.
Casharka laga baran karo: dawlad taageerta hal-abuurka iyo tiknoolajiyadda waxay abuuri kartaa xarumo sare oo kobciya dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka.
Kenya’s Konza Technopolis – “Silicon Savannah”
Waa xarun horumar dhaqaale, hal-abuur iyo qoon sare u horseeday reer Kenya, waxa saamaynteeda lagu hiran karo ka mod ah:
Waa magaalo tiknoolajiyadeed oo ay dawladda Kenya dhistay si loo horumariyo cilmi-baadhista iyo hal-abuurka.
Waxay noqotay xarun soo jiidata shirkadaha tiknoolajiyadda caalamiga ah sida Microsoft iyo IBM.
Waxay sare u qaaday ganacsiyada yaryar ee tiknoolajiyadda ku salaysan.
Casharka laga baran karo: Horumarinta xarumo tiknoolajiyadeed waxay kordhin kartaa fursadaha ganacsi, shaqo, iyo horumarka sayniska.
CSIR (Council for Scientific and Industrial Research) – Koonfur Afrika
Xaruntan oo dalka Koonfur Afrika ka jirta waa;
xarun cilmi-baadhis oo kobcisay warshadaha beeraha, caafimaadka, iyo tiknoolajiyadda.
Waxay sameysay horumaro waaweyn oo dhanka tamarta, biyaha, iyo caafimaadka ah.
Waxay sare u qaaday horumarka South Africa, taas oo ka caawisay inay noqoto dalka ugu horumarsan Afrika.
Casharka laga baran karo:Cilmi-baadhis iyo hal-abuur waxtar leh waxay horumarin karaan warshadaha kala duwan ee waddanka.
Xarunta Cilmi-baadhista iyo Hal-abuurka Tiknoolajiyadda waa maalgashi mustaqbalka ah oo horseedi kara koboc dhaqaale, shaqo-abuur, horumar waxbarasho, iyo hal-abuur cusub.
Tani waxay muhiim u tahay horumarka Somaliland si ay u noqoto dal tiknoolajiyad iyo cilmi-baadhis ku horumara. Sida tusaalayaasha ka muuqata, xarumaha cilmi-baadhista iyo hal-abuurka tiknoolajiyadda waxay beddeleen waddamadooda iyagoo kobciyay dhaqaalaha, abuuray shaqooyin, iyo korna u qaaday waxbarashada iyo hal-abuurka.
Somaliland haddii ay dhisto xarun cilmi-baadhis iyo hal-abuur tiknoolajiyadeed, waxay fursad u heli kartaa inay noqoto xarun kobcisa dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo hal-abuurka mustaqbalka. Waa qorsheyaal aan xukuumada Wada jir iyo waxqabad ee xisbiga WADDANI ka rejaynayno