Kooxaha Hinduuga oo weeraray Qabriga Boqor hore oo Hindiya xukumi jiray

0
26

Bandow ayaa lagu soo rogay qaybo ka mid ah magaalo ku taal galbeedka Hindiya ee Maharashtra ka dib markii kooxaha Hinduuga ah ay dalbadeen in laga qaado qabriga Aurangzeb, oo ahaa boqorkii Mughal ee qarnigii 17-aad, taas oo dhalisay rabshado habeenimadii Isniinta.

Baabuur ayaa dab la qabadsiiyay, waxaana dhagxaan lagu tuuray agagaarka Mahal ee magaalada Nagpur.

Booliska ayaa sheegay in xaaladda ay hadda gacanta ku hayaan, waxayna dadka ka codsanayaan inay nabadda ilaashadaan.

Qabriga Aurangzeb, oo dhintay in ka badan 300 oo sano ka hor, ayaa sannadihii u dambeeyay noqday goob siyaasadeed iyada oo ay isa soo tarayaan baaqyada kooxaha Hinduuga mayalka adag oo dalbanaya in boqorkii Taalladiisa iyo qabrigiisa meesha laga saaro.

Waxay ku taal meel 500km (311 mayl) u jirta magaallada Nagpur ee degmada Chhatrapati Sambhajinagar ee gobolka, taas oo markii hore loogu yeeri jiray Aurangabad ka dib boqorka.

Rabshadaha Isniintii ayaa billowday ka dib markii laba urur oo Hinduuga ah, Vishwa Hindu Parishad iyo Bajrang Dal, ay gubeen astaanta boqorka, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay ku dalbanayaan in qabrigiisa laga saaro, sida uu u sheegay golaha gobolka Maharashtra madaxa xukuumadda Devendra Fadnavis.

Tani waxay kicisay xanta ah in qaar ka mid ah calaamadaha diinta la nijaaseeyey. Fadnavis ayaa sheegay in tani ay keentay rabshado u eg “weerar si wanaagsan loo qorsheeyay”.

Dhimaca kale salaadii maqrib ka dib waxaa iyaguna isu soo baxay dad gaadhaya 250 nin oo Muslimiin ah, waxaana ay bilaabeen in ay ku qeyliyaan halku dhigyo ay ku diidan yihiin in la dumiyo.  Waxay u soo bexeen in ay difaacaan qabriga.

In ka badan 50 qof ayaa la xidhay 33 boolis ah ayaa ku dhaawacmay shilkan, taliyaha booliiska Nagpur Ravinder Singal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee ANI.

Dukaamada iyo goobaha ganacsiga ee ku yaala badhtamaha magaalada Nagpur ayaa wali xidhan, waxaana aad loo adkeeyay amaanka guud ahaan magaalada.

Dhanka kale, xisbiyada mucaaradka ayaa dhaleeceeyay xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee gobolka uu hoggaamiyo xukuumadda iyaga oo leh ” sharciga iyo kala dambeynta gobolka ayaa burburay”.

Sababta rabshada todobaadkan dhalisay ayaa ah filim dhawaan laga sameeyay Bollywoodka oo ku saabsan Sambhaji – oo ahaa taliyihii Maratha ee ay isku dhaceen Aurangzeb balse laga guulaystay.

Filimku waxa uu kordhiyey cadhada loo qabo Aurangzeb”, ayuu Fadnavis u sheegay golaha gobolka Salaasadii.

Arrintan ayaa maalmahan si weyn looga hadal hayay gobolka iyada oo siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada qaranka Hinduuga ay dhaleeceeyeen Aurangzeb oo ay ku baaqayeen in qabrigiisa la qaado.

Dibad-baxayaasha ayaa sidoo kale ka cadhooday horaantii bishan markii Abu Azmi, oo ah siyaasi gobolka ah, uu sheegay in Aurangzeb aanu ahayn “maamule naxariis daran” uuna “dhisay macbadyo badan”.

Azmi waxa kale oo uu sheegay in boqortooyadiisu ay soo martay xuduuda Hindiya oo gaadhay Afgaanistaan ​​iyo Myanmar, waxaana dalkaasi lagu tilmaami jiray shimbir dahab ah, iyada oo wax soo saarka guud ee gudaha uu ka dhigan yahay rubuc ka mid ah GDP-ga adduunka.

Sannadkii 2022, magaca Aurangzeb waxa uu ahaa mid ku soo badanaya baraha bulshada markii muranka ka taagan masaajid -ka lagu dhisay burburka macbadka Vishwanath, macbad weyn oo qarnigii 17aad ee Hinduuga lagu burburiyay amarka Aurangzeb – ayaa qarxay iyada oo maxkamad ay amartay sahan lagu ogaanayo in masaajidka laga dhisay waxa asal ahaan macbad Hinduu ahaa.

Qabrigiisa ayaa la xidhay dadka soo booqda ka dib markii siyaasi gobolka ah uu su’aal galiyay “baahida loo qabo jiritaankeeda” oo uu ku baaqay in la burburiyo.

Aurangzeb wuxuu ahaa boqorkii lixaad ee boqortooyadii Mughal oo xukumayey Hindiya ku dhawaad ​​konton sano oo u dhaxaysay 1658 ilaa 1707.