Kooxda Shirkada Vista Real Estate oo u soo gudubtay 8-deed Dhammaadka Ciyaaraha Koobka Garoonka Xawaadle

0
28

Qore Cadnaan Bille Jaamac

Hargeysa (Dawan) Koobka bisha barakeysan ee Ramadaan ee ka socda Garoonka kubadda Cagta ee Xawaadle ee magaalada Hargeysa, ayaa hadda ku dhaw gaba-gabo.

Koobkan oo muddo socday ayay ku tartamayeen in ka badan labataan kooxood oo qaarkood matalayeen shirkaddaha ganacsiga ee ugu waa weyn dalka, waana koob la qabto sannadkasta bisha barakeysan ee Ramadan, iyada oo lagu dhiirigelinayo dhallinyarada ciyaartooyada ah ee caasimada Hargeysa.

Haddaba shirkada Vista Real Estate, ayaa ka mid ah shirkadaha sida weyn uga soo muuqday tartanka koobkan ay ku lagdamayaan in ka badan labaatan shirkood oo kala duwan ciyaartoydoodu.

Ciyaaryahannada ku ciyaarayay magaca Shirkada Vista Real Estate ayaa ah xulkii caasimada magaalada Hargeysa, waxa warbaahinta uga warbixiyay habsami u socodka ciyaarta iyo guulaha ay gaadheen kooxda ku ciyaaraysa magaca Shirkada Vista Real Estate, Macalinka kooxda Cabdirashiid Cumar Cabdillaahi,Ā  waxaanu sheegay in ay u soo baxeen sideed dhammaadkii ciyaarta, waxaanu rejjo fiican ka muujiyay inay noqon doonaan kooxda ku guuleysata koobka garoonka Xawaadle, ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Gaba-gabadii Shirkadda Vista Real Estate, waa laf-dhabarta iyo dhiirigeliyaha dhallinyarada ciyaartooyada ah,Ā  markastana waxa ay u taagan tahay gacan qabashada iyo niyad dhiskooda.

 

 

Ā