Somaliland: Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe oo Tobobbar Muhiim u Soo Xidhay Xubno kala Duwan

0
43

Qore: Faysal Xiis Afgaab

 

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka dhexe ee Somaliland Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa shalay Xubno kala duwan u soo xidhay Tabobbar la xidhiidha Nidaamka soo gudbinta Warbixinnada Xisaabaha dawladda ee ka furan Bankiyadda gaarka loo leeyahay (isa portal).

Tababarka uu soo xidhay Guddoomiye ku-xigeenka baanka dhexe ee Somaliland ayaa ah mid muhiim u ah qaranka isla markaana lagu baray xubnaha tababarka qaatay soo gudbinta warbixinaha xisaabaadka kala duwan ee dawladda uga furan baananka gaarka loo leeyahay.

Guddoomiye ku xigeenka Baanka dhexe ee Somaliland,ayaa xunbaha uu tababarka u soo xidhay kula dardaarmay in ay ka faa’iideeyaan aqoonta lagu tababaray isla markaana ay qaranka ugu shaqeeyaan oo ay noqdaan xubno ka midho dhaliya ujeedada tababarka loogu qabtay.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay muhiimada ay leedahay aqoonta lagu tababaray ee ah soo gudbinta nidaamka xisaabaha dawladda ee ka furan baananka gaarka loo leeyahay.

Gabagabdiina waxaa uu kula dardaarmay in ay noqdaan masuuliyiin xirfaddooda dalka iyo dalka ba ugu adeega.