Trump oo dhaqaalihii ka jaray Idaacada VOA ee Maraykanka

0
29

Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa soo dhaweysay tallaabada uu Donald Trump ku jaray dhaqaalihii ay siin jireen xarumaha wararka ee Voice of America iyo Radio Free Asia, kuwaas oo in muddo ahka hadlayey maamullada kali taliska ah.

Go’aanku wuxuu saameeyaa kumanaan shaqaale ah – ilaa 1,300 oo shaqaale ah ayaa la geliyay fasax mushahaarka ah ee Voice Of America (VOA) oo amarkaa agaasimaha fulintu ku dhawaaqay Jimcihii.

Dadka dhaleeceeya ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid dib u dhac ku ah dimuqraadiyadda, balse wargeyska dawladda Beijing ee Global Times ayaa VOA ku dhalleeceeyay wixii ay ka qortay Shiinaha, waxaana ay sheegtay “in hadda ay dawladeedu tuurtay sidii calal wasakh ah oo kale”.

Aqalka Cad ayaa gaashaanka u daruuray tallaabada, isaga oo sheegay in ay in canshuur bixiyayaasha aanay ku sii socon Karin dacaayadaha xagjirka ah”.

Joojinta Trump ayaa bartilmaameedka u ah Wakaaladda Maraykanka ee Warbaahinta Caalamiga ah (USAGM), taas oo uu taageerayo Congress-ka oo maalgeliya xarumaha wararka ee ay saamaysay, sida VOA, Radio Free Asia (RFA) iyo Radio Free Europe.

Waxa ay ku kasbadeen ammaan iyo aqoonsi caalami ah sida ay warbixintooda uga soo tebiyaan meelaha xorriyadda saxaafadda aad loo yareeyey ama aan ka jirin, Shiinaha iyo Cambodia ilaa Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

In kasta oo mas’uuliyiinta dalalkan qaarkood ay xannibaan baahinta – VOA, tusaale ahaan, waa mamnuuc Shiinaha – dadku waxay ka dhageysan karaan iyaga raadiyaha mowjadaha gaaban, ama waxay ka heli karaan xannibaadaha iyaga oo adeegsanaya VPN-yada.

RFA waxa ay inta badan ka warbixisay la dagaalanka xuquuqul insaanka ee Cambodia, kaas oo hogaamiyihii hore ee kaligii taliye Hun Sen uu ku tilmaamay jarista “in wax weyn ka tari doonto ciribtirka wararka been abuurka ah”.

Waxa kale oo ay ka mid ahayd warbaahintii ugu horreysay ee ka warbixisa shabakadaha dadka lagu hayo ee Shiinaha ee ku yaalla gobolka Xinjiang, halkaas oo maamulka lagu eedeeyay in ay boqolaal kun oo Muslimiinta Uyghur-ka ah ku xidheen maxkamad la’aan. Beijing ayaa beenisay sheegashadaas, iyada oo sheegtay in dadku ay si badheedh ah u xaadiraan “xeryaha dib-u-waxbarashada” ee lagula dagaalamo “argagixisada iyo xagjirnimada diimeed”. Warbixintii VOA-da ee ku saabsan kuwa ka soo goostay Kuuriyada Waqooyi iyo xisbiga Shuuciga Shiinaha ee lagu eedeeyay in ay qariyeen dhimashada Covid ayaa ku guulaysatay abaalmarinno.

VOA, oo ugu horraysa idaacad, oo sidoo kale laga sii daayo Mandarin, ayaa loo aqoonsaday sannadkii hore muuqaalkeeda ku saabsan mudaaharaadyada dhifka ah ee 2022 ee Shiinaha ee looga soo horjeedo xannibaadda Covid.

Wargeyska Global Times ee Shiinaha ayaa soo dhaweeyay jarista, isaga oo VOA ku tilmaamay “warshad been abuur ah”.

Hu Xijin, oo ahaa tifaftirihii hore ee Global Times, ayaa qoray: “Codka Ameerika waa la curyaamiyey! sidoo kale Raadiyaha Free Asia, kaas oo si xun ula dhaqmay Shiinaha. Tani waa war aad u weyn.”

Jawaabaha noocan oo kale ah “waxay ahaayeen kuwo sahlan in la saadaaliyo”, ayay tidhi Valdya Baraputri, oo ah wariye ka tirsan VOA oo shaqadeeda ku weyday dhamaadkii asbuucii hore. Waxay hore uga shaqayn jirtay BBC World Service.

“Dabcanta VOA,dabcan, waxa ay saamaxaysaa in kanaalada lidka ku ah wararka saxda ah iyo kuwa dheellitiran ay horumaraan,” ayay u sheegtay BBC-da.

Naadiga saxafada qaranka, oo hormuud u ah kooxda mataleeysa saxafiyiinta Maraykanka, ayaa sheegay in amarkan “uu wiiqayo ballanqaadkii dheeraa ee Ameerika ee ahaa saxaafad xor ah oo madax-banaan”.

Waxaa la aasaasay dagaalkii labaad ee aduunka qayb ahaan si ay uga hortagto dacaayadaha Nazi-ga, VOA waxa dhegaysta 360 milyan oo qof todobaadkii ku dhawaad ​​50 luqadood. Sanadihii la soo dhaafay waxa ay ka baahin jirtay Shiinaha, Kuuriyada Waqooyi, Kuuba oo shuuci ah iyo Midowgii Soofiyeeti ee hore. Waxay sidoo kale u ahayd qalab waxtar u leh dad badan oo Shiinees ah si ay u bartaan Ingiriisiga.

Agaasimaha VOA-da Michael Abramowitz ayaa sheegay in amarka Trump uu hoos u dhigay VOA-da halka “ cadawga Maraykanka, sida Iran, China, iyo Russia, ay balaayiin doolar ku quusinayaan si ay u abuuraan sheekooyin been abuur ah si ay sumcadda uga dhigaan Mareykanka”.