Wasaaradda Deegaanka iyo Jaamacadda Burco oo Heshiis kala Saxeexday

0
29

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargeysa(Dawan):-Waxa xarunta wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka ee Caasimadda  Hargaysa heshiis is afgarad ah ku kala sexeexday Wasiir Cabdilahi Jaamac Geeljire iyo Maamulka Jaamacada Burco heshiiskaas oo u dhaxeeya Waasadda Deegaanka iyo Ibadalka Cimilada iyo Jaamacada Burco.

Heshiiska ayaa dhigaya  qaab iskaashi oo u dhexeeya labada hay’adood si ay  wadajir  uga shaqeeyaan hindiseyaal kala duwan oo loogu talagalay, illaalinta iyo horumarinta deegaanka, kheyraadka dabiiciga iyo Isbedelka Cimilada si joogto ah loona maareeyo, si xal looga Gaadho Dhibaatooyinka Deegaanka Dalka ee soo noqnoqda.

Ujeedada ugu wayn ee hashiiska ayaa daaranayd in layska kaashado sahaminta xalal cusub oo lagula dagaalamo Caqabadaha ka dhasha isbeddelka Cimilada iyo Xaalufka ama nabaad guurka  deegaanka.

Labada dhinacba waxay diiradda saari doonaan horumarinta xirfadaha, wax ka qabadka cimilada, iyo xoojinta Wacyigelinta bulshada, iyadoo la aqoonsanyahay doorka muhiimka ah ee bulshooyinka maxalliga ah, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, ay ka qaataan horumarinta dalka.

Gabagabadii Kulankaas ayaa Dhanka Wasiirka Waxaa ku wehelinaayey Agaasimaha Guud lataliyayaasha Wasaaradda halka Jaamacada Burco uu Masuuliyiinta ka Socday uu Hogaaminaayey Prof. Ibraahim Cismaan ismaaciil Madaxweynaha Jaamacada Burco.