Agaasimaha Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda oo kulan Afur ah u Sameeyey Dhallinyaradii ka Faa’iidaystay Maalgelinta

0
46

ore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan):- Agaasimaha sanduuqa horumarinta dhallinyarada Somaliland  khaddar ibraahim Maxamed,ayaa kulan afur ah u sameeyay dhallinyaradii ka faa,iidaystay maalgelinta sanduuqa horumarinta dhallinyarada Somaliland u sameeyay.

 

Kulankan afur wadareedka ah ee loo qabtay dhallinyarada ka faa’iidaysatay maalgelinta uu Sanduuqa horumarinta dhallinyarada bixiyo kuwaas oo ka kala socday gobolada dalka ayaa ka qabsoomay magaalada Hargaysa isla markaana ahaa garab istaag iyo dhiirigalin loo samaynayey dhalinyarada heshay fursadan.

 

Ugu horayn waxa madasha furay Agaasimaha Sanduuqa dhalinyarada khaddar ibraahim Maxamed waxana uu faah faahin ka bixiyey ujeedka afurwadareedka iyo qaabkii ay u soo kala xuleen dhalinyaradii reer somliland ee soo codsaday maalgalinta u bixiyo Sanduuqa Horumarinta dhalinyara somaliland.

 

” Waxanu marinay nidaam ay ku kala baxayaan ama lagu kala saarayo, iyadoo loo eegayo shuruudo u dagsanaa oo laga soo xulo Kun iyo Boqol codsade waxanu marxaladii koobaad ku soo saarnay Saddex Boqol iyo konto dhalinyara ah ku waas oo loo sameeyey tabobar iyo in la hogo tusaaleeyo kadibna dib loogu celiyo tartankii, ugu dambayna ay ka soo baxeen Boqol iyo Afar iyo Sideetan waxanu iskugu yeedhnayna waa in aanu hambalyeyno” Agaasimaha Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somlailand ayaa sidaas yidhi.

Geesta kale waxa iyaguna madasha ka hadlay Agaasima guud ee haayada caymiska qaranka, Agaasimaha Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Gudoomiye ku xugeenka jaamacada Hargaysa Gudoomiyaha dalada Sonyo iyo sidoo kale Gudoomiyaha ururka Bananka Somaliland, waxana ay masuuliyiintii halkaasi ka hadashay dhalinyarada u soo jeediyeen hadalo iskugu jira dhiiri galin iyo dardaaran waxana ay hoosta ka xariiqeen lacagahaa lagu maalgaliyey in aanay deeq ahayne ay yihiin dayn.