“ Fawdo Dani kuma Jirto Qaramaynta Ciidamada Danteena ayaa ku Jirta” Wasiirka Diinta JLS

0
43

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Caynaba(Dawan):-Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Casbdilaahi Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) oo bulshada Caynaba Mimbarka Masaajidka kala hadlay ayaa tilmaamay in danta, wanaaga iyo horumarka bulshadu uu ku jiro Qaramaynta Ciidamada Madaniga, waxaanu tilmaamay inay xuquuq iyo xaq ba helayaan waxaanu sheegay

“ Haddii la yidhi Ciidamada ayaa la qaramaynaa, qaramaynta ciidamada dan baa ku jirta, horumarkeenaa ku jira, wanaageena ayaa ku jira, ninka halkaa cidlada ah jooga ee difaacaya, haddii la yidhi xuquuq ha helo oo mushahar ha helo oo caafimaad ha helo, waa waxaaga wax laguugu dar, maxaynu ku diidnaa, waa wanaag”.

Dhinaca kale wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo khubadii Jimcaha u jeediyay bulshada Caynaba ayaa la wadaagay bishaaro wanaagsan iyo kheyr badan oo dalka u soo socda, waxaanu tilmaamay in adduunyadii u soo kala dheeraynayso Somaliland, loona baahan yahay inay gacmaha isku qabsano sidii aynu ugu faa’iidaysan lahayn waxaanyu tilmaamay

“ Dalkan kheyr badan baa u soo socda, adduunyadii oo dhan baa soo haybinaysa maanta, oo kheyraadka ILLAAHAY ina siiyay doonaya inay wax ka helaan oo ay ka faa’iidaystaan, wax inala qaybsadaan.

Adduunku wuxu kuu imanayaa marka aad arrimahaag hagaajiso, amnigaaga hagaajiso, nidaamkaaga hagaajiso, dawladnimadaada aad xoojiso, dhibaatadu ma fiicna”.

Gebo’gabadii wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) ayaa sheegay in dalku uu soo maray waayo badan oo adag balse hadda laga soo gudbay oo u uku talaabsaday horumar laxaadle waxaanu sheegay

“ Waxyaaba badan baynu soo maranay balse waynu ka soo gudubnay, waxaynu noqonay dawlad adduunku majeerto, in aynu dib u noqono la dooni maayo waa in aynu hore u soconaa oo gacmaha is qabsanaa”.