Madaxweynaha Taiwan oo Guddoomay Dhambaal uu u Diray Madaxweynaha JSL

0
25

 

Hargeysa(Dawan):-Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, ayaa sheegay inay xoojinayaan cilaaqaadkooda iskaashi kadib markii ay labada dawladood shir ku yeesheen magaalada Taipei ee xarunta dalka Taiwan.

 

 

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya  Taiwan Maxamuud Aadan Jaamac Galaal ayaa  waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan, Dr. Lin Chia-Lung.

 

 

Siday werisay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, labada dawladood ayaa iska kaashada dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo Tiknoolajiyadda.

 

Danjire Galaal ayaa ku bogaadiyay dawladda Taiwan taageerada hagar la’aanta ah ee ay Somaliland kaga saacido horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta aqoonta tiknoolajiyadda ee Hay’adaha dawladda.

 

Safiirka Somaliland wuxuu gaadhsiiyay madaxweynaha Taiwan Lai Ching-te dhambaal uu uga siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kaasi oo ku wajahnaa xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Somaliland iyo Taiwan.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda Taiwan,  Lin Chia-Lung,  ayaa caddeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay xoojinta iyo kor u qaadista xidhiidhka ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaannu tilmaamay in labada waddan wadaagaan xasiloonida iyo dimuqraaddiyadda isla markaana ay u halgamayaan taabogelinta qaddiyaddooda qarrannimo.

 

Somaliland iyo Taiwan ayaa xidhiidh saaxiibtinimo oo qoto dheer ku naaloonayey tan iyo 2020kii