Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa(Dawan):- Madaaxweynaha dalka Maraykanka ayaa qorsheyaashiisa ku darsaday aqoonsiga Jamhuuriyadda Somalilad
Warbaahinta caalamiga ah ee kala duwan ayaa werisay in Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ku hawlan yahay inuu si rasmi ah ugu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland dal madax-bannaan.
Warbixintan oo halku dhig looga dhigay Sida Aqoonsiga Maraykanka ee Somaliland uu u qaabayn karo Isbahaysiyada Gobolka, Saamaynta Dagaalka Yemen, iyo sida uu uga hortegayo Saamaynta Shiinaha.
Warkan oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xiganaysa warbixin uu daabacay wargeyska The Cradle, ayaa sheegtay inuu qorshahaas uu shaaca ka qaaday xoghayihii hore ee gaashaandhigga Ingiriiska Gavin Williamson, isla markaana ay baahiyeen warbaahin ay ka mid tahay Semafor, warbixinta ayaa lagu xusay in hirgelinta qorshahaasi uu dib u habayn karo siyaasadda juqraafiyeed ee Geeska Afrika iyo marinnada badda ee galbeedka Aasiya.
Warbixinta ayaa tilmaantay in Joogitaanka Shiinaha ee gobolka geeska Afrika uu walaac ku abuuray Washington, maadaama uu Shiinuhu saldhig millatari oo ballaadhan ku leeyahay dalka Jabuuti oo jaar la ah Somaliland.
Sida ay warbixintu sheegtay Xukuumadda Maraykanka ayaa u aragta aqoonsiga Somaliland mid lagaga hortegayo kaalinta Shiinuhu ku leeyahay gobolka.
Somaliland oo ku taal meel u dhow Gacanka Cadmeed, ayaa gacanta ku haysa biyaha ay maraan 10% ganacsiga dunnidu, taas oo ka dhigaysa goob istaraataji ah, Tan iyo markii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 1991-kii, xiligaas oo ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya.
Warbaahintu waxay tilmaameen in Somaliland dhawr iyo soddonkii sano ee u dambeeyay uu hannaankeeda dawladnimo si buuxda u shaqaynayay, hasa yeeshee waxa keliya ee ka maqani uu yahay aqoonsi caalami ah.