Muhiimada Diiwaangelinta Ciidamada Ayadoo La Isticmaalayo Nidaamka Casriga Ah Ee Bu’da Isha (Biometric Registration)

0
63

 

Dowlad kasta oo dunida ka jirta waxay muhiimad iyo mudnaan gaar ah siisaa sidii ay u maamuli lahayd ciidankeeda, hubkeeda, iyo sahaydeeda ciidan si loo xaqiijiyo amniga qaranka.

Somaliland oo ah dal nabdoon oo ay ka go’an tahay dhismaha ciidamo kala duwan oo adag, waxay qaaday tallaabo casri ah oo lagu diiwaan-gelinayo ciidamada somaliland, taasoo lagu hirgelinayo nidaamka casriga ah ee bu’da isha (Biometric Registration).

Diiwaan-gelinta Biometric ee ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland waa tallaabo taariikhi ah oo lagu xoojinayo maamulka iyo amniga qaranka. Waa nidaam casri ah oo meesha ka saaraya khaladaadka, musuqmaasuqa, iyo eexda, iyadoo la xaqiijinayo in askari kasta uu helo xaqiisa iyo xuquuqdiisa askarinimo.

 

Nidaamkan cusub wuxuu Somaliland ka dhigayaa tusaale wanaagsan oo muujinaya sida dal nabdoon uu ula jaanqaadi karo horumarka tiknoolajiyadda casriga ah. Waxa uu sare u qaadi doonaa sumcadda iyo karaamada ciidamada dalka, wuxuuna siinayaa shacabka kalsooni ay ku qabaan cududda iyo daacadnimada difaaca qarankooda.

Faa’iidooyinka nidaamkan waxay ka muuqan doonaan dhinacyo badan — laga bilaabo sugidda amniga gudaha ilaa hagaajinta nolosha askarta iyo qoysaskooda. In la sameeyo diiwaangelin casri ah waa maalgashi mustaqbalka, kaasoo Somaliland u horseedaya ciidan xoog leh oo karti leh, si daacad ahna ugu adeega qaranka iyo dadkiisa.

Ugu dambayn, hirgelinta qorshahan waa tallaabo horseed u noqon karta qorsheyaal kale oo horumarineed oo dhinacyo badan leh, waxayna xoojinaysaa hammiga Somaliland ee ku aaddan dhismaha dawladnimo waarta iyo difaac adag. Waa bilow wanaagsan oo u baahan in si taxadar leh loo ilaaliyo, loona horumariyo, si looga midho-dhaliyo yoolalka iyo himilooyinka qaranka Somaliland.

Waxaana Muhiimada uu mashruucani leeyahay iyo faa’idooyinka laga dhaxlayaa, ay raadhis iyo raasamaal yeellanayaan, hadba sida ay xogtan Ciidanka ee la diwaageliyey u dhowrsanaato, isla markaana uga fogaato inuu cadowgu heli karo. Sidaas awgeed waa in uu noqdaa diiwaan ku jira sanduuq adag oo ay furihiisa hayaan gacmo kooban oo ah khubarro Ciidanka ah.waana in laga ilaaliyaa gacan kale oo uu si uun uga bixi karo.

Haddaba Maxay Tahay Diiwaan-gelinta Biometric ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland?

Diiwaan-gelinta biometric waa nidaam casri ah oo askari kasta lagu kaydinayo xogtiisa gaarka ah, sida:

☑️ Indhaha (Iris scan)- waa farsamo lagu aqoonsado qofka iyadoo la diwaan galinaayo qaybta midabaysan ee indhihiisa, maadaama aysan laba qof isku mid noqon karin – xitaa mataanaha isku eg!

☑️ Faaraha (fingerprints) – waa nidaam lagu aqoonsado qofka iyadoo la diiwaangelinayo qaab-dhismeedka gaar ahaaneed ee faraha gacamihiisa. si loo hubiyo qof walba aqoonsigiisa gaarka ah.

☑️  Sawirka wajiga (facial recognition) –in askari kasta si lo aqoonsado astaamaha gaarka ah ee wajiga, sida: Kala-fogaanta indhaha, qaabka sanka, ballaca daanka, dhererka iyo ballaca wajiga si looga hortago is-beddelka ama aqoonsi been-abuura

☑️ Xogta caafimaadka – Si askar kasta u helo daryeel caafimaad sax ah

☑️  Macluumaadka shaqada iyo darajada – Si loo xakameeyo mushaarka, fasaxa, iyo dallacsiinta

 

Nidaamkan wuxuu xaqiijinayaa in dhammaan askarta qaranku u helaan xuquuqdooda si hufan, islamarkaana uu meesha ka baxo nidaam kasta oo musuqmaasuq ama khaladaad keenaya.

Maxay Tahay Ujeeddada Laga Leeyahay Diiwaan-gelinta Biometric-ka?

1- Hufnaan iyo maamul wanaag – In si sax ah loo diiwaan geliyo askarta iyo xuquuqdooda.2- Cadaalad iyo sinnaan – In askari kasta uu helo xaqiisa si cadaalad ah, iyadoo aanay jirin eex iyo musuq.

3- Xoojinta amniga qaranka – In la hubiyo cidda rasmiga ah ee ka tirsan ciidamada qaranka.

4- Xakamaynta mushaaraadka – In mushaarka askarta si sax ah loogu shubo koontadooda, iyadoo aan la leexsan karin.

5- Daryeelka caafimaadka iyo agoomaha – In askarta, naafada, iyo qoysaskooda ay helaan xuquuqdooda.

 

Faa’iidooyinka nidaamkan uu leeyahay in Ciidamada kala duwan ee qaranka lagu diwaangeliyo

 

1.Xaqiijinta Aqoonsiga Dhabta ah ee Ciidanka

– Waxa meesha ka baxaya magacyo been abuur ah iyo “ghost soldiers” (askarta aan jirin ee lagu qaato mushaarka si sharci-darro ah).

-Xoojinaysa kalsoonida ciidamada iyo maamulka dowladeed.

  1. Xakameynta Mushaaraadka iyo Gunnada Ciidanka

– Askarta oo dhami waxay heli doonaan mushahaarkooda saxda ah, iyadoo la adeegsanayo nidaam casri ah.

– wax uu Meesha ka saareysa lunsashada mushaaraadka, gunooyinka iyo khaladaadka dhaqaalaha ciidanka.

  1. Maaraynta Darajooyinka, Dallacsiinta iyo Fasaxyada

– Dallacsiinta iyo fasaxyada waxaa la xakameynayaa si cadaalad ah, iyadoo la raacayo waxqabadka shaqo iyo muddada shaqada.

  1. Qalabaynta Ciidamada iyo Maamulka Sahayda ciidanka sida Militariga.

-Hubka, rasaasta, dharka, iyo gaadiidka ciidamada waxaa loo qaybin doonaa si nidaamsan, iyadoo la diiwaan gelinayo cidda isticmaashay iyo cid kasta gacanta ku haysa.

  1. Xoojinta Amniga Ciidamada iyo Difaaca Qaranka.

-Ka hortageysaa in dad aan ciidanka ahayn ay isku sheegaan askar, taasoo yareynaysa khatarta basaasnimada.

-Gelitaanka xarumaha ciidamada waxaa lagu xakameyn doonaa nidaamka biometric, si looga hortago khataraha amni ee gudaha.

  1. Daryeelka Caafimaadka iyo Daryeelka Naafada Ciidanka

-Taariikhda caafimaad ee askar kasta waxaa lagu kaydinayaa nidaamka, si loo hubiyo in ay helaan daryeel caafimaad oo sax ah.

-Ciidanka naafoobay waxay heli doonaan xuquuqdooda si nidaamsan.

  1. Daryeelka Qoysaska Askarta iyo Agoonta

-Qoysaska askarta geeriyootay waxa loo xaqiijinayaa xuquuqdooda, iyagoo helaya gunnooyinka loogu talagalay.

 

W/Q:- Ali Shaami