Somaliland Waa Inay Ka Feejignaato Xeeladaha Qarsoon Ee Shiinaha

0
41

Qore: Daahir Cabdi Ciise

(Daahir camey)

Dunida maanta waxay gashay marxalad loollan awoodeed oo xooggan, waxaana muuqata in quwadaha waaweyn ay dagaalkooda si dadban ugu fulinayaan gobollo ka fog dhulkooda, iyagoo adeegsanaya xeelado kala duwan. Somaliland, oo ah dal istiraatiiji ah, waxay u baahan tahay in ay feejignaato, si aysan u noqon meel ay quwadaha waaweyn iska fara-saaraan.

 

Somaliland waxay leedahay saaxiibbo istiraatiiji ah oo ay iska kaashadaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarka. Xiriirkeeda dhow ee Imaaraadka Carabta iyo Maraykanka wuxuu si weyn gacan uga geysan karaa horumarka iyo nabadda gobolka, gaar ahaan maadaama labadaas dal ay door muhiim ah ka ciyaaraan xasilloonida marin-badeedka Badda Cas iyo Geeska Afrika.

 

Dhanka kale, waxaa jira xoogag caalami ah oo mararka qaar la arkay inay galaan heshiisyo ama xiriirro aan si cad u waxtar u lahayn danaha Somaliland. Arrimahaas awgood, Somaliland waa in ay taxaddar dheeraad ah muujisaa, si aysan u noqon meel lagu loollamo ama lagu hor istaago yoolkeeda horumarineed.

 

Jiritaanka Khatarta iyo Xeeladaha Qarsoon

 

  1. Xiriirro aan furaneyn oo la wado

 

* Waxaa muuqata in ay jiraan gacmo ka shaqeynaya sidii Somaliland looga dhigi lahaa meel u nugul loollanka quwadaha waaweyn.

 

* Warbixinno kala duwan ayaa muujinaya in xogaha amni ee gobolka si hoose loo wadaagayo, taasoo laga yaabo inay saamayn toos ah ku yeelato Somaliland.

 

  1. Dadaallo lagu hor istaagayo xasilloonida iyo horumarka Somaliland

 

Waxaa muuqata in qaar ka mid ah dalalka gobolka ay xiriir la leeyihiin dhinacyo ay danohoodu ka hor imaanayaan jiritaanka Somaliland.

 

* Waxaa muhiim ah in Somaliland ay si xeel dheer u fahanto isbeddellada siyaasadeed ee gobolka.

 

* Xogaha la helayo waxay muujinayaan in loo baahan yahay feejignaan gaar ah si aan looga faa’iidaysan marxaladaha kala guurka ah.

 

* Somaliland waa in ay kor u qaaddo la-tashiga saaxiibbadeed si ay u hubiso in danaha qaranku ay helaan difaac adag.

 

Somaliland Waa Inay Xoojisaa Xidhiidhada Istiraatiijiga Ah

 

Somaliland waa in aysan keligeed istaagin, balse ay xoojiso isbahaysiyada caalamiga ah ee danahooda la siman. Waa lama huraan in ay Somaliland iskaashi dhow la yeelato dalalka ka taageeraya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo difaaca qaranka.

 

* Waa muhiim in Somaliland ay si joogto ah u xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka ay wadaagaan danaha istiraatiijiga ah.

 

* Waa in Somaliland ay la timaaddo istiraatiijiyad cad oo ay kaga hortagto caqabadaha la soo dhoobayo ee lidka ku ah koboca dhaqaalaha iyo amniga.

 

Diyaargarowga Somaliland

 

* Waa in dhalinyarada Somaliland la diyaariyo, si ay u difaacaan dalkooda una helaan tababarro ciidan oo ay kaga hortagaan khataraha soo wajaha.

 

* Waa in ciidanka lagu qalabeeyo hub casri ah, si ay u helaan awood difaac oo dhameystiran.

 

* Somaliland waa inay kor u qaaddo xiriirada caalamiga ah si ay u hesho saaxiibo si dhab ah u garab istaaga amniga iyo madax-bannaanida dalka.

 

Gunaanad

 

Haddii Somaliland aysan feejignaan dheeraad ah muujin, waxaa dhici karta in shalay la eegayay dhul fog, balse maanta si dadban loogu soo dhawaado. Waa waajib in shacabka iyo madaxdu ay iska kaashadaan sidii qaranka looga badbaadin lahaa dabinada qarsoon ee socda.

 

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waa in uu la tashado odayaasha, khubarada ciidanka, iyo saraakiisha khibradda leh si loo helo istiraatiijiyad difaac. Sidoo kale, shacabka Somaliland waa in ay gacmaha is qabsadaan, aqoonyahannadu ay indho furnaadaan, ganacsataduna ay gacan ka geystaan sugidda amniga qaranka.

 

Haddii aan maanta la diyaargaroobin, berri waa la qoomamayn doonaa. Waxaan xukuumadda iyo shacabka Somaliland ugu baaqayaa in ay diyaar garow xooggan sameeyaan, si aanay gacmo shisheeye u xakameyn aayaha ummadda.

 

Qore: Daahir Cabdi Ciise

Email: Daahircamey@gmail.com