๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐ž๐ซ๐›๐ž๐ซ๐š.

0
48

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Berbara (Dawan) :-Jamhuuriyada Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ,ayaa shalay daah furay mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Bebera.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti ballaadhnaa oo uu hoggaaminayo oo ku guda jira Safar shaqo Gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera ayaa shalay dhagax dhiggay Mashruuca biyo ballaadhinta Magaalada Berbera

Munaasibadda oo ay madaxweynaha kala qayb galeen xubno kamid ah golaha wasiiada, madaxda Gobolka Saaxil iyo Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera, ayaa lagaga hadlay muhiimadda uu leeyahay mashruuca biyo ballaadhinta Berbera

Ugu horeyn Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Khadar Siciid Axmed (Firiko) ayaa madasha ka hadlay,waxaanu sheegay in mashruucani uu wax weyn ku soo kordhin doonno Biyaha Magaalada Berbera ,maddaama oo ay tahay Berberi Magaalo xeeb ah oo u baahan biyo badan,isla markaana ay xoolaha ka dhoofaya Dekadda isticmalaan.

Geesta kale Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Abubakar Cabdiraxmaan Good oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay Mashruucan biyo ballaadhinta Berbera ,waxaanu sheegay in mashruucan uu yahay mid ay Dawladu hirgelinayso, isla markaana laga fulinayo Qasnada Dawlada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo halkaas ka hadlay, ayaa wasaaradaha Biyaha iyo Wakaalada Biyaha Berbera uga mahadnaqay in mashruuca la dhagax dhigo, waxaanu ku baaqay in hirgelintiisa la dedejiyo.

Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruucan biyo ballaadhinta Magaalada Berbera.