๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ D๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐“๐š๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐๐ก๐ข๐งta ๐Š๐จ๐ซ๐š๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐๐ž๐ซ๐›๐ž๐ซ๐š

0
58

 

โ€ ma rabno inuu ollalahayahigi been noqdo,waxaanu ku olloleynay in laydhka Berbera aanu jebinayno.โ€ Madaxweynaha JSL

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Berbera (Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa shalay magaalada Berbera ka dhagax-dhigay Mashruuca Tayeynta iyo Ballaadhinta Korontada Magaaladaas oo baahi wayn ay u qabeen bulshada Berbera oo ku nool magaalo xeebeed isla markaana marar badan laydhka cabasho ka taagnayd.

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Magaalada Berbera, ayaa dhagax-dhigay shalay Mashruuc ballaadhinta iyo tayeynta Korontada Magaalo xeebeedka Berbera.

Safarka uu madaxweynuhu ku maray magaalo Xeebeedka Berbera ayaa ahaa mid halbowle u ah horumarka gobolka Saaxil iyo kobcinta kaabayaasha adeegyada bulshada magaalada Berbera.

Munaasabad Xafladda dhagex-dhigga Mashruucan muhiimka u ah Bulshada ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin kala duwan iyo maamulka Gobolka Saaxil, madax-dhaqameed mudan iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Mashruuca ballaadhinta iyo tayeynta Korantada Magaalada Berbera ayaa waxa Somaliland ka taageeraya Baanka Adduunka, waxaana ku baxaysa lacag gaadhaysa labaatan Milyan oo Dollar ($20 Million Dollar),waxaanu mashruucaasi noqon doonnaa mid wax weyn ku soo kordhin doonna horumarka korontada Magaalada Berbera.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadley Maayarka Magaalada Berbera iyo badhasaabka Gobolka Saaxil,kuwaas oo sheegay in Mashruucani uu wax weyn ka tari doonno baahid laydhka Magaalada,maddaama ay reer Berbera heli doonnaa dhawaan laydh jaban oo tayo leh.

Waxaa ay sheegaan in Xukuumadda wadda jir iyo wax-qabad ay mudnaan gaar ah siinayo Magaalada horumarka dhaqaalaha dalka ee Berbera,iyagoo hirgelinta Mashruucan mihiimka u ah bulshada ku boggaadiyeen Madaxweyne JSL oo isagu fullinaya ballan-qaadkiisii xilligii ollolaha ee ahaa inay Berberi heli doonta laydh jaban oo tayo leh.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo tamarta ayaa isna halkaas ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey Mashruucan waxaanu sheegay inuu Mashruucani yahay mid lagu ballaadhinayo oo lagu tayeynayo korantada Magaaalada Berbera,waxaanu sheegay in Mashruucani uu oo isugu jiro 12MW solar ah iyo 36mw oo kaydiye,isagoo xusay in la fullinayo ballan-qaadkii Madaxweynaha JSL

Dhanka Kalena Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si rasmi ah u dhegex-dhigay Mashruucan tayeynta iyo ballaadhinta korontada Magaalada Berbera,waxaanu maddasha ka jeediyey hadal kooban, isagoo u bushareeyey reer Berbera,

โ€ ma rabno inuu ollalahayahigi been noqdo,waxaanu ku olloleynay in laydhka Berbera aanu jebin doono oo aanu ka dhigi doono 0.20%,haddaba ka Xukuumad ahaan manta(shalay) waxaanu goosanay in bisha soo socota ee toddobaad aanu laydhka Berbera jebino oo aanu ka dhigno 0.20%..โ€

Ugu Dambeyn dhagax-dhigga Mashruucan tayenta iyo ballaadhinta korantada Berbera oo ah magaalada Xuddunta u ah dhaqaalaha Qaranka JSL , Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad waxa ka goโ€™an hirgelinta iyo dhammaystirka Mashruucan ballaadhinta iyo tayeynta korantada Berbera ee uu Madaxweynuhu dhagax-dhigay,kaas ooay dhawaan bulshada reer Berbera ay ku diirsan doonnaan.