Waayadii casrigii jaahiliga ahaa (Islaamka ka hor) qofka dumarka ahi qabaa’ilka Carbeed waxa ay u arki jireen waxaan qiimo lahayn oo way quudhsan jireen, iyagoo aaminsanaa in aanay colaada iyo dagaalada joogtada ah waxba ka tarayn. Haddii ay gabadhi u dhalato waa ay aasi jireen iyadoo nool. Waxa kale oo iyana ay si khariban ula dhaqmi jireen islaanta gabowda oo aan wax sharaf ah ku lahayn bulshada dhexdeeda, Hablaha gashaantimaha ahna waxay ku khasbi jireen in ay jidhkooda ka ganacsadaan, si ay reerka dhaqaale ugu soo xerayso madaama aanay waxb ka tarayn colaadaha.
Dhinaca dhaxalka xaq uma lahayn qofka dumri in wax laga siiyo dhaxalka qoyskooda, ninkeedana wax xuquuq iyo tix gelin ah kumay lahayn, Qiyaasta furitaanka dumarku ma lahayn xad iyo tiro go’an, mar kasta oo uu doono waa furi jiray ninkeedu iyadoon lahayn qiyaas xad u uku joogsado.
Dhinaca kalean dumarka guurkooduna isna ma lahayn tiro iyo xad go’an oo uu ku joogsado , ninkuna intii kolba uu rabo ayuu guursan jiray, Waxa kale oo aanay xaq u lahayn inay iyadu doorato ninka ay guursanayso iyadoo weliba aan xuquuq ku lahayn ninka guursada.
Haddii Aabuhu dhinto oo gabadh iyo carruur bah kale jirto, wiilka u weyn ayaa guursan jiray gabadha aan hooyadii ahayn isagoo u arkaya dhaxalkii aabihii, oo ay la mid tahay xoolaha kale ee uu ka tegay Aabihii. Taariikhdu waxa ay cadaysay in Giriigu ay gabadha xaqiri jireen oo u arkayeen waxaan qiimo lahayn oo aad u hooseysa, waxaana ay iyaguna ku kala iibsan jireen suuqyada, oo xataa ninku uu xaq u lahaa inuu iibiyo gabadhiisa haddii uu u baahado,
Islaamku gabadha waxa uu gaadhsiiyay meel sare markii uu soo baxay ilaa ay noqdeen boqorado guryahooda ku asturan. Hadday dhibaato haystay dumarka waayadaasi, maanta oo meel kasta laga baahiyo xorriyadda dumarka ee caalamka oo xataa maalin gaar ah loo sameeyay haddana waxa jira goobo ay dhib kuwaasi ka badan ku haystaan dumarka. Dalka Thailand Qabiilo degan oo sanamda caabuda ayaa aaminsan in sanamadooda ay u qalaan sanad kasta gabadh yar oo 14 jir ah oo weliba ah mid qurux badan. Arinkaasi ayay sameeyaan maalin ka mid ah sanadka iyagoo qurbaan uga dhigaya Sanamadooda.
Dalka Indoniisiya qabaa’ilka Patak ayaa dhaqan iyo caado iyaguna u leh inay dumarkooda u diraan dhamaan shaqooyinka oo dhan halka raguna ay iska fadhiyaan oo ku sheekaystaan guryaha, sigaarka kuna cabayaan, iyagoo u arka inay ka hooseeyaan oo aanay xaq u lahayn in iyaga loo sheqeeyo.
Dalka Hinidiya qayb ka mid ah gabadha doonaysa inay noqoto mid wanaagsan oo aan ku noolaan dulmi iyo ku xadgudub nolosheeda waa in ay is gubto marka ninkeedu dhinto. Haddii aanay sidaa samayn waxa ay ku dhex noolaysa bulshada aan naxariista lahyn iyadoo ku jirta nool hoog iyo balanbal u dhamaaday. Tani waa khiyaamo adoonsi dumarka lagu hayo oo ka baxsan xataa anshax iyo akhlaaqda wanaagsan. Nidaamkan waxa la yidhaa “Sati” waana in gabadha uu ninkeedu dhinto ee la gubayo ay ku biirto isagoo gubanaya si ay ugu dhowaato inta uu nool yahay iyo dhimashadiisa ka dib.
Vinod Raja, oo ah macalin taariikhda ka dhiga jaamacadda Delhi, ayaa sheegay in erayga satin uu macnihiisu yahay gabadh daahir ah ama quduus ah oo nafteeda u gubta ninkeeda, Waxay awood u yeelatay inay nafteeda hadiyad ahaan u bixiso. Maadaama uu aaminsantay in haddii ay sidaas sameyso inay badbaadin doonto nafteeda, qoyskeeda iyo qaraabadeeda. Waxaaana ay aaminsan yihiin inay tahay “isbeddelka nafta meydka ah oo noqonysa xayawaan ama shimbir” sida ay aaminsan yihiin Hinduuga.
Sida dhaqanka Hinduusku qabo, dumarka laga dhintay looma ogola inay guursadaan mar kale haddii ragoodu dhinto.
Sidaa awgeed waa in la gubaa gabadha ninkeedu dhinto gabadha caadada diiddana waxa soo qabanaya qoyskooda ku tuuraya dabka, maxaa yeelay waxa ay ku doodayaan inay sharaftooda iyo karaamada qabiilka xumaynayso, ka dib naxaas dhalaalaysa ayaa lagu dul shubayaa si ay u dhintaan iyagoo daahir ah sida ay aaminsan yihiin. Xaqa uu islaamku siiyay gabadha ma jiro mid ka xeel dheer oo ka ballaadhan oo ka wanaagsan kana dhamaystiran…