Ibn Cabbaas (rc) wuxuu yidhi: Nebigu (scw) wuxuu yidhi: ‘ Dadbadan ayaa ku hodma oo aan waxba ka faa’idin labo nicmo; oo kala ah caafimaad iyo Fursadda ay haystaan. (Bukhaari)
Sidaa awgeed waa in wakhtiga aad uga faa’iidaysto Aakhiradaada iyo aduunayadaba.
Waxaa aad u xanuunsaday nin ka mid ah muslimiintii taabiciyiinta, waxaana soo booday hooyadii, markaasi ayuu is qurxiyay oo cadarna isku shubay isagoo aad u xanuunsanayay si aanay hooyadii uga nixin ayuu haddana istaagay. Markii ay hooyadii ka baxday ayuu is taagii ku dhacay. Waxa lagu yidhi maxaa aad sidaa u samaysay oo aad isu dhibtay adigu aad u xanuunsanay.
Waxaana uu ku jawaabay “Taaha ilmaha ayaa dhiba waalidka”. Waalidkuna wax kasta oo uu awoodo oo wanagaasan kuuma diidayo.